Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Oct 20, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in Maamul u sameynta Gobollada dalka ay ku xiran tahay Rabitaanka Shacabka
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) oo khadka taleefoonka kula hadlayay Soomaalida ku nool dalka Sweden ayaa ka hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka iyo howlaha ay xukuumaddiisu qabanayso 100 maalmood ee ugu horreysa.
Mudane Shirdoon ayaa sheegay in maamul u sameynta gobollada dalka ay ku xiran tahay hadba sida ay shacabku doonayaan, isagoo xusay inaysan dhacayn inay kor geeyaan dadka gobollada ku nool maamul, balse ay raacayaan hadba sida ay dadku u doonayaan cidda maamulaysa.
"Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay taageerto ciddii ay shacabka ku nool gobollada dalka doonayaan inay maamusho, balse ma dhici doonto in maamul aanay ralli ka ahayn dadka loo sameeyo gobollada," ayuu yiri Cabdi Saacid.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saarayso 100 maalmood ee ugu horreysa sugidda ammaanka, dib u dhiska iyo soo celinta kaabasyaasha dhaqaalaha dalka.
"Xukuumaddeydu waxay noqon doontaa mid yar oo tayo wanaagsan, waxaana 100 -ka maalmood ee ugu horreeya ay xoogga saari doontaa sugidda ammaanka oo ah mid muhiimad weyn aan siinayno, dib u dhiska iyo soo celinta kaabayaasha bulshada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka dalbaday jaaliyadaha Soomaaliyada ee ku sugan dalka dibaddiisa inay kaalin mug leh ka qaataan caawinta dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan inay afarta sano ee soo socota ay dalka gaarsiiyaan horumar ka ballaaran midda hadda jira.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa laba casho ka hor codka kalsoonida ka helay baarlaamanka Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu isla maalintii xigtay la wareegay xilka ra'iisul wasaarenimo ee Soomaaliya, iyadoo laga sugayo inuu xukuumad soo dhiso si kalsoonida loogu weydiiyo baarlamaanka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa muddo 21-sano ka jiray colaado iyo rabshado uu dhiig badan ku daatay, sidoo kale waxaa dhulka lala simay dhammaan kaabayaashii bulshada sida iskuulladii waxbarashada iyo isbitaalladii iyadoo dowladdan oo ah mid joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato tan iyo 1991-kii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya laga sugayo inay hormarka dalka ka shaqeyso.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Kulan Saraakiisha Midowgga Africa ee AMISOM iyo Odayaasha Dhaqanka ku dhaxmaray magaalada Baladweyne
10/20/2012 10:20 AM EST
Sabti, Oktoobar, 20, 2012 (HOL) – Saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baladweyne.
Shirkii Dalalka Waqooyiga Yurub ee looga hadlayay Nabadda iyo Horumarinta oo lagu soo gabo-gabeeyay Caasimadda Finland
10/20/2012 8:47 AM EST
Sabti, October 20, 2012(HOL): Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay caasimadda dalka Finland ee Helsinki shir laba maalmood socday kaasoo ay soo qaban qaabiyeen xubno ka socday dalladda (Nordic Union of Somali Peace and Development Organisations) oo ah dallad ay ku mideysan yihiin affar urur oo Soomaaliyeed kuwaasoo ka kala dhisan dalalka Norway, Swedan, Denmarka iyo Finland.
Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Nabadgalyada Muqdisho ay tahay mid Wanaagsan Howgalladuna ay sii soconayaan
10/20/2012 8:26 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ay ku jirto ammaanka Muqdisho, isagoo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ay waddo AMISOM inta laga gaaraya hadafka laga leeyahay.
Madaxweynaha Somalia oo Warqadihii Safiirnimo ka guddoomay Dajiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya
10/20/2012 8:02 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadihii safiirnimo ka guddoomay danjiraha ay Midowga Yurub u soo magacaabeen Soomaaliya, Michele Cervone d'Urso; kaddib booqasho uu maanta ku yimid Muqdisho.
Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Magaalada Marka oo yeeshay kulan ay uga hadleen Isbedelka ka dhacay degmadooda
10/20/2012 7:19 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kulan oo looga hadlayay isbedelka ka dhacay degmada Marko kaddib markii Al-shabaab laga saaray ayaa waxaa ka qaybgalay waxgaradka, odayaal, dhallinyaro, aqoon-yahanno, haween iyo ganacsatada degmada.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo sheegay inuu yahay Murashax u taagan xilka Madaxweynenimo ee Puntland
10/20/2012 7:02 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Iyadoo la filayo in sanad kadib ay Puntland ka qabsoomaan doorashooyin ku dhisan nidaamka axsaabta badan, ayaa waxaa soo badanaya tirada siyaasiyiinta sheegay in ay u tartami doonaan xilka madaxweyne nimada ee Puntland.
Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Koonfur Afrika ku dilay wiil kale oo Soomaaliyeed, kaasoo ay ku dileen Toorreey
10/20/2012 6:54 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool waddanka Koonfur Afrika ayaa xalay dil ugu geystay wiil kale oo Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bile, kaasoo ay dilkiisa u adeegsadeen tooreey ama billaawe.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo Magaalada Gaalkacyo Gaarey Halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey
10/20/2012 6:41 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Gellinkii danbe ee shalay waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug soo gaarey, si weynna loogu soo dhoweeyey, Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya, Prof. xildhibaan Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).
Taliska Ciidamada AMISOM oo shaaciyay inay ciidamadooda kala baxayaan Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium
10/20/2012 4:17 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka baxaan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium, kaddib markii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ay ka dalbadeen inay isaga baxaan garoonka si bisha Diseember ee sannadan ay uga billowdaan ciyaaraha kubada cagta.
Hay'adda Qoxootiga Adduunka oo sheegtay inay kororta Tirada Qoxootiga Soomaalida ah ee galaya dalka Itoobiya
10/20/2012 3:55 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay korortay tirada qoxootiga Soomaaliyeed ee galaya dalka Itoobiya oo daris la ah Soomaaliya, iyadoo ha'yaddu ay sheegtay inay xeradii lixaad ka furayaan deegaanka Dollo-Adow ee Koonfurta dalka Itoobiya oo ay ku yaallaan xeryaha ay ku jiraan qoxootiga Soomaalida ah.
Weerarro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu Qaaday Xaflad Aroos iyo Maqaahi ku taalla Magaalada Muqdisho
10/20/2012 3:32 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, toban kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo shalay gallinkii dambe iyo xalay lagu kala weeraray goob ay ka socotay xaflad aroos oo ka tirsan degmada Hodan iyo maqaayad cunnada lagu cuno oo ku taalla degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.
Askari ka tirsan Booliiska Kenya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Gaarisa oo ah Xarunta Gobolka Waqooyi-Bari Kenya
10/20/2012 3:12 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada Kenya ayaa xalay lagu furay rasaas isagoo howl lagu sugayo ammaanka ka waday gudaha degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, iyadoo la sheegay in askarigaas uu dhaawac fudud gaaray.
Kooxo hubeysan oo Kismaayo ku dilay nin shacab ah iyo dagaal ka dhacay Koontarool ku yaalla Waqooyiga Magaaladaas
10/20/2012 3:11 AM EST
Sabti, Oktoobar 20, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa degmada Kismaayo ku dilay xalay nin ganacsade ah oo magaciisa lagu soo koobay Cali, kaasoo ka mid ahaa dadka ka ganacsada sariiraha, iyadoo sidoo kale uu xalay iska-horimaad xooggan uu isla xalay ka dhacay koontaroolka magaalada Kismaayo oo dhinaca waqooyi ku yaalla.
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo fasax ku jooga dalka Imaaraadka Carabta
10/20/2012 2:29 AM EST
Sabti, October, 20, 2012 (HOL)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. CabdiRaxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay galab u anbabaxay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tagay socdaal fasax gaaban ah, isago ka dhoofay madaarka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.
Somali News
Somalia’s Fierce Daughter: Dr. Deqo Mohamed
-
Daily Beast
10/20/2012 8:54 PM EST
She’s a doctor, a newlywed, a fighter of terrorists in Somalia, and a lover of American shower heads. Dr. Deqo Mohamed tells Abigail Pesta about her surreal life.
SOMALIA: Somaliland journalists under fire
-
IRIN
10/20/2012 8:42 PM EST
HARGEISA, 17 October 2012 (IRIN) - Journalists in the self-declared republic of Somaliland are increasingly being harassed and arrested by security forces there, say officials.
Somali refugees flow to Yemen
-
Yemen Post
10/20/2012 8:40 PM EST
About 55 Somali refugees who have no identification documents were arrested in an entrance of the port city of Aden on Saturday, security sources affirmed.
Our man in the Seychelles who's locking up the pirates of the Indian Ocean - but why is Britain spending a fortune on a jail in paradise?
-
Mail Online
10/20/2012 8:39 PM EST
Behind the 15ft high razor wire, a huddle of men in yellow jumpsuits sit on their haunches, while others stand staring blankly into space.
Company taking over XL Foods being sued over alleged racial and religious harassment
-
Ottawa Citizen
10/20/2012 3:34 PM EST
OTTAWA — The Brazilian-owned company taking over a troubled XL Foods facility in Alberta is being sued by a U.S. government agency for alleged mistreatment of Muslim, Somali and black employees.
Tight security as Kenya marks Mashujaa day
-
Daily Nation
10/20/2012 3:27 PM EST
Kenya marks her 49th year of independence on Saturday amid heightened security occasioned by its first major post-colonial war against Islamic militants in neighbouring Somalia.
Gold hero Mo and his bro
-
The Sun
10/20/2012 3:25 PM EST
OLYMPIC hero Mo Farah is larking about with identical twin brother Hassan — and the way they behave no one would think they have lived apart for 21 years.
MV Orna, UAE-Owned Ship Hijacked By Somali Pirates, Freed After 2 Years
-
AP
10/20/2012 3:13 PM EST
MOGADISHU, Somalia -- A pirate commander in Somalia says that a cargo ship was freed after being held captive for nearly two years.
Kenya urges world to help consolidate gains made in Somalia
-
Xinhua
10/20/2012 3:12 PM EST
NAIROBI, Oct. 20 (Xinhua) -- Kenyan President Mwai Kibaki on Saturday called on the international community to help consolidate security gains which have been realized in Somalia to stabilize the Horn of Africa nation.
Community Supports Somalia with 'Run to Unite'
-
KSTP
10/20/2012 3:11 PM EST
Runners gathered in Minnehaha Park in Minneapolis Saturday to help the cause in Somalia.
Lawford man donates half tonne of clothes to Somalia
-
H&M Standard
10/20/2012 3:07 PM EST
HALF a tonne of clothes are on their way to east Africa after a man organised a clothing collection drive.
Policeman injured in grenade attack in northern Kenya
-
Xinhua
10/20/2012 3:04 PM EST
GARISSA, Kenya, Oct. 20 (Xinhua) -- A police officer has been injured in the latest grenade attack in Garissa town near Kenya's northern border with Somalia.
South African security companies in Somalia have not violated arms embargo
-
Defence Web
10/20/2012 3:02 AM EST
South Africa has not violated the arms embargo on Somalia imposed by the United Nations Security Council in spite of the South African private security companies operating there, the Somalia Eritrea Monitoring Group has said.
Analysts say Somalia progress might not translate to Mali
-
Stars and Stripes
10/20/2012 2:58 AM EST
STUTTGART, Germany — While the U.S. is hailing Somalia as a success story, an example of how concerted international efforts can rout Islamic extremists in control of much of the country, some analysts are tempering that success with caution.
AMISOM agrees to leave Somali football stadium
-
BBC
10/20/2012 2:50 AM EST
The African Union force in Somalia has said it hopes to vacate its base at the national stadium in Mogadishu in time for a football tournament in December.
Minneapolis event focuses attention on suffering in Somalia
-
MinnPost
10/20/2012 2:43 AM EST
Given the recent terrorism conviction of a Minneapolis Somali man, this might not seem like the best time for a race that celebrates the Somali community in Minnesota and raises money to help improve the lives of people in Somalia.