Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Talaado, Oct 2 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo gargaar kala duwan gaasiisay shacabkii ku waxyeelloobay fatahaadihii Baladweyne
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay fatahaadihii Baladweyne ku dhuftay gaarsiisay gargaar kala duwan oo ku kacay lacag gaaraysa 100,000 oo doollarka Mareykanka ah.
Madaxa waaxda xariirka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud, Cali Fadhaa oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talogaleen inay ku caawiyaan dadkii ay waxyeelladu kasoo gaareen fatahaada, gaar ahaan kuwa ay hoy la'aantu ku hayso magaalada Baladweyne.
“Waxaan ka qaybinay Baladweyne gargaar ay ka mid ahaayeen: raashin, bustayaal, baco iyo waxyaahan kale ee ay u baahan yihiin dadka ay fatahaaduhu saameynta ku yeesheen,” ayuu yiri Cali Fadhaa oo intaas ku daray inay sii wadayaan gargaarka ay siinayaan shacabka Baladweyne.
Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo la gaarsiiyo Baladweyne, tan iyo markii ay fatahaaduhu ku dhufteen magaaladaas, kuwaasoo geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo inay burburiyeen 70% guryihii ku yaallay xaafadihii ay fatahaaddu sida xun ugu dhufatay.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay fatahaaddan u ahayd tii ugu xumayd ee ku dhufatay muddo sannado ah, waxaana lagu soo beegay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqanayo maanta degmada Baladweyne.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Qarax ka Dhacay Kismaayo iyo Ciidamada Huwanta ah oo Saldhigyo ka Sameystay Gudsha iyo Daafaha Magaalada
10/2/2012 4:55 PM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL): Ciidamada dowladda KMG, kuwa raaskaamboni iyo Militariga Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay magaalada Kismaayo, iyadoona ay ciidamadu fariisimo ka sameysteen saldhigga dhexe ee magaalada, Dekedda, garoonka diyaaradaha iyo weliba daafaha magaalada.
Madaxii hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Turkiga u qaabilsanaa Africa oo lagu dhaawacay inta u dhexeysa Gaalkacayo iyo Bacaadweyn
10/2/2012 1:53 PM EST
Talaado, Oktoobar 2, 2012 (HOL) - Waxaa maanta weerar gaadmo ah lagu qaaday wefdi isugu jirey xubno ka tirsan hay'adda dalka Turkiga u qaabilsan gargaarka dibadda (TIKA) iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Booliska Puntland, xilli ay marayeen inta u dhexeysa degmooyinka Gaalkacayo iyo Bacaadweyn.
Faahfaahin ku saabsan Booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
10/2/2012 9:35 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud oo ay wehliyaan xubno xildhibaanno ah ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.
Hay'adda Nabadsugidda Qaranka oo Maanta sheegtay inay inay la wareegto Guryo ay ka heshay Hub iyo Walxaha Qarxa
10/2/2012 9:34 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda nabadsugidda ayaa soo bandhigtay maanta hub ay sheegtay inay kasoo qabteen guri ku yaalla xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa; iyadoo sidoo kale soo bandhigay wiil dhalinyaro ah iyo xaaskiisa oo ay sheegtay inay deggenaayeen guriga hubka lagu soo qabatay.
Muqdisho oo uu ka socdo dib u dhis xoog leh, xilli Soomaaliya ay gashay marxalad cusub (SAWIRRO)
10/2/2012 9:18 AM EST
Talaado, October 02, 2012(HOL) - 16-kii bishii aynu soo dhaafnay , waxaa awooda dalka si nabadgalyo ah ula kala wareegay labo madaxweyne markii ugu horreysay muddo 43 sano ah, taasoo sare u qaaday himilada ay Soomaalidu ka qabaan xasilooni buuxda oo dalku uu gaaro.
Boqorka Guud ee Beelaha Jareer-weyne ee Somalia oo Xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyey Magaalada Hargeysa
10/2/2012 9:04 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Boqorka guud ee beelaha Jareer weyne ee Soomaaliya, ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaaladda Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladda Hargeysa ee ka soo jeeda beelahaasi, waxa kale oo ka soo qaybgalay madax dhaqameed ka tirsan beelaha Somaliland.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya iyo Raaskambooni oo si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Kismaayo
10/2/2012 8:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee Jubbooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Kenya ee AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni ay si rasmi ah maanta ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Hay'adda CRD oo Fannaaniinta Soomaaliyeed u qabtay Aqoon-Isweydaarsi lagu soo noolaynayo Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka
10/2/2012 7:05 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay aqoon-isweydaarsi soconayay muddo labo maalmood ah, kaasoo lagu soo nooleynayay ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka ee loo yaqaano (Folklore Dance).
Hay'adda MSF oo ugu baaqday Hoggaamiyeyaasha Dunida inay Caawiyaan Qoxootiga ku jira Xeryaha Dhadhaab-Kenya
10/2/2012 3:10 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Hay'adda MSF ayaa ka dayrinaysa xaaladaha murugsan ee ka jira xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, halkaasoo ay ku jiraan boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed ah, iyadoo warsaxaafadeed ay shalay soo saartay ku sheegtay in iyadoo toddobaadkan ay hoggaamiyeyaasha dowladuhu ku kulmaya munaasadda 63-aad ee guddiga fulinta ee UNHCR ay tahay xaaladda ay ku nool yihiin qoxootiga dhadhaab ku jira mid adag.
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu Hoggaaminayay oo Degmada Baladweyne gaaray kulammana la leh Maamulka iyo Waxgaradka
10/2/2012 2:43 AM EST
Talaado, Oktoobar 02, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, iyadoo garoonka degmada Baladweyne si weyn loogu soo dhaweeyay.
Somali News
Prosecutors: Minn. man steered recruits to Somalia
-
AP
10/2/2012 2:01 PM EST
MINNEAPOLIS (AP) — A Minneapolis man helped young Somali expatriates return to the war-torn country they left years ago so they could join a terrorist group fighting the U.N.-backed government there, a prosecutor said Tuesday at the outset of the man’s trial.
Floods displace thousands in Beletweyne
-
IRIN
10/2/2012 12:01 PM EST
BELETWEYNE/NAIROBI (IRIN) - Several people have been killed and thousands displaced after heavy rains in central Somalia’s Hiiraan Region caused the Shabelle River to burst its banks.
Somalia’s president pays visit to Beledweyne
-
HOL
10/2/2012 11:52 AM EST
A day after he made his first tour outside of the capital, to Badioa, south-west of Somalia, President Hassan Sheikh Mohamed headed to the flood ravaged city of Beledweyne in central Somalia.
MSF Opposes Repatriation of Somali Refugees
-
CapitalFM
10/2/2012 11:51 AM EST
An international non-governmental organisation is raising a storm over plans by the Kenyan government to repatriate Somali refugees, saying the security conditions on the ground are not yet conducive for their well being.
Kismayo rocked by blast as Somali troops take contro
-
BBC
10/2/2012 11:48 AM EST
A loud explosion was heard as Somali government troops together with African Union (AU) forces established control of the port city of Kismayo.
Kenyan police post targeted, al Shabaab suspected
-
Reuters
10/2/2012 6:46 AM EST
GARISSA, Kenya, Oct 1 (Reuters) - Suspected al Shabaab militants threw a hand grenade at a Kenyan police post on Monday in the northern town of Garissa close to the border with Somalia, police said, a day after two police officers were shot dead in the same town.
Ajman Ruler receives Somali envoy
-
WAM
10/2/2012 6:45 AM EST
Ajman, Oct 2nd, 2012 (WAM) -- H.H. Sheikh Humaid bin Rashid Al Nuaimi, Supreme Council Member and Ruler of Ajman received at his office today Abdul Kadir Sheikhey Mohamed Al Hatimy, Ambassador of Somalia to the UAE who called on him on the occasion of the beginning of his tenure in the UAE.
First Mpls. terror trial begins
-
MNDaily
10/2/2012 6:44 AM EST
The trial of a Minneapolis man charged with helping young men go to Somalia to fight with terrorist group al-Shabab began with jury selection Monday.
Kenya police hunt terrorists
-
PANA
10/2/2012 6:42 AM EST
The Kenya Police have mounted a door-to-door search for suspected Al Shabaab sympathisers who killed two police officers in Garissa in the country's North-eastern Province Sunday night and snatched their weapons.
Heart for Somalia’s women and children
-
Africa Review
10/2/2012 6:42 AM EST
The first question that comes to mind when you hear about her work is what is the link? Is she married to a Somali, is she of Somali descent, did her paths cross with a Somali somewhere in a way that lit a passion to help in her heart? This is about Gloria Ekemu, a Ugandan, who is neither of the above.