Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 14, 2012
Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra'iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud maanta inuu ku horkeeno baarlamaanka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si loo ansixiyo.
Kulankii maanta ee baarlamaanka oo ay xaadireen 250 xildhibaan ayaa xubnaha baarlamaanka qaarkood waxay ku taliyeen in ra'iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa hal mar la horkeeno baarlamaanka, balase kuwo kale ayaa ku taliyay in marka hore la ansixiyo ra'iisul wasaaraha.
Doodda kaddib ayaa la isku raacay in marka hore ra'iisul wasaaraha la horkeeno baarlamanaka si cod loogu qaado, iyadoo tani ay imaanayso xilli toddobaadkii hore uu baaqday kulan la doonayay in ra'iisul wasaaraha cusub uu baarlamaanka ku horyimaado si looga dhageysto waxqabadkiisa iyo xukuumadda uu soo dhisi doono.
Sidoo kale, kulanka baarlamaanka ayaa looga hadlay sharci hoosaadyada uu baarlamaanku ku shaqeyn doono afarta sano ee soo socota, iyadoo xildhibaannada loo qaybiyay qoraallo ay soo diyaariyeen guddi horay loogu saaray dib u eegista xeerar hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka baarlamaanka ayaa ku wargeliyay in xildhibaannadu ay muddo shan casho ah soo akhriyaan xeerarka; kaddibna looga doodi doono kulan ka dhaci doona xarunta gaadiidka booliiska si loo ansixiyo xeerarka uu baarlamaanku ku shaqeyn doono.
Kulankii baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa mid xasaasi ah, iyadoo xildhibaannadu ay doodo adag ka yeesheen, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo baarlamaanku uu dalbaday in ra'iisul wasaaraha la horkeeno si ay u ansixiyaan si loo soo dhiso dowlad tayo leh.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Dowladda Spain iyo Hay'adda MSF oo dalbaday in lasii daayo Samafalayaal u dhashay Spain oo ku afduuban Soomaaliya
10/14/2012 6:28 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dowladda Spain iyo hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay si wadajir ah u dalbadeen in lasii daayo laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilli ay howlo caafimaad halkaas ka wadeen.
Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
10/14/2012 6:14 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay qaar katirsan degmooyinka gobolka Gedo.
Xarakada Al-shabaab oo xilkii ka qaaday Guddoomiyahooda Gobolka Banaadir; iyadoo u magacowday xilkaas Mas'uuliyiin kale
10/14/2012 6:13 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
10/14/2012 4:15 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayo xeer-hoosaadyada baarlamaanka ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, iyadoo dhawaan guddi loo saaray dib u eegista xeer hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.
Dableey hubeysan oo Magaalada Kismaayo ku toogtay nin xoogsade ah iyo ciidamada dowladda oo baaritaanno kawada
10/14/2012 4:07 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan ilaa imika la garanayn cidda ay ka amarqaataan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah odoyaasha dhaqanka magaalada Kismaayo xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday saladdii Cishaha.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir u magcaabay Hoggaamiyihii Jabhadda SSC, Suleymaan Xagla-toosiye
10/14/2012 3:57 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa xil wasiir u magacaabay hoggamiyihii jabhadda SSC ee ka dagaalami jirtay deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale wasaarad cusub ku daray golaha wasiirrada Somaliland.
Somali News
Mogadishu property boom stirs concern
-
Al Jazeera
10/14/2012 8:26 PM EST
The property market in the Somali capital, Mogadishu, has boomed since the government pushed out al-Shabab fighters.
BBC HARDtalk - Musalia Mudavadi - Deputy Prime Minister of Kenya
-
BBC
10/14/2012 2:21 PM EST
Kenya is a country with big ambitions to be East Africa's powerhouse economy, and, as is being seen in Somalia, to be a dominant regional player. And yet Kenya's also a nation with deep-seated problems.
Somali refugees pass the one million mark, struggle in Egypt
-
Bikyamasr
10/14/2012 1:22 PM EST
CAIRO - Somali refugees across the world have passed the one million person mark, said the United Nations refugee agency on Friday, highlighting the growing need for an end to conflict in the Horn of Africa.
Why these young men are ready to die for religion
-
Daily Nation
10/14/2012 12:52 PM EST
The six Al-Shabaab recruits looked anything but the fighters they claimed they were. They were young, slight in build, shy with forlorn, distant looks in their eyes and seemingly unsure of themselves.
No News for 1 Year About Kidnapped Spanish Aid Workers in Kenya
-
LAHT
10/14/2012 6:08 AM EST
MADRID – One year after the kidnapping of Spanish aid workers Montserrat Serra and Blanca Thiebaut in Kenya, the Spanish Foreign Minister and Doctors without Borders pursue with extreme caution the procedures to free them from captivity.
Minn. witness describes early al-Shabab recruiting
-
AP
10/14/2012 6:05 AM EST
A Minnesota man who traveled to Somalia to enlist in the terrorist group al-Shabab has identified the person he says first attempted to persuade him to join up.
Somali, AU forces secure more southern towns from rebels
-
Xinhua
10/14/2012 6:00 AM EST
Somali government forces backed by African Union (AU) peacekeeping forces are spreading their control over territory run by Al-Shabaab rebels in the south of the Horn of Africa country.
TAVIS takes to Etobicoke streets
-
Toronto Sun
10/14/2012 5:57 AM EST
TORONTO - Toronto Police are canvassing residents of the Jameston Cres. area this weekend with signs in Somali language seeking information to nab those responsible for the execution-style slayings of Suleiman Ali and his cousin, Warsame.
Kenyan military Marks First Anniversary Since Entering Somalia
-
Capital FM
10/14/2012 5:53 AM EST
Nairobi — The Kenyan military was commemorating the Kenya Defense Forces Day on Sunday to mark one year since entering Somalia.