Hiiraan Online
Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, Oct 14, 2012
Dowladda Spain iyo Hay'adda MSF oo dalbaday in lasii daayo Samafalayaal u dhashay Spain oo ku afduuban Soomaaliya
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dowladda Spain iyo hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa waxay si wadajir ah u dalbadeen in lasii daayo laba haween ah oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo laga afduubay bishii Oktoobar ee sannadkii hore xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya xilli ay howlo caafimaad halkaas ka wadeen.
Haweenkan afduuban oo lagu kala magacaabo, Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra ayaa waxay u shaqeynayeen hay'adda MSF, waxaana tan iyo markii la afduubay lagu haystay gudaha Soomaaliya.
"Blanca iyo Montserrat waxaa laga afduubay 13-kii Oktoobar 2011 xerada IFO oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya oo 100-km u jira xuduudda Somaalida iyo Kenya, kaddib markii kooxo hubeysan ay istaajiyeen gaarigii ay la socdeen, dabadeedna kala dageen," ayaa lagu yiri warbixin lagu daabacay shabakad ay leedahay MSF.
Shaqaalahan samafalka ah ayaa la dabaday in si dhaqso ah oo aanay shuruudi ku xirnayn lagu sii daayo, iyadoo aan la ogeyn halka lagu hayo iyo cidda sida tooska ah gacanta ugu haysa; balse haweenkan ayaa sannadkii hore lagu arkay degmada Afgooye oo ay gacanta ku haysay xilligaas Al-shabaab.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Spain, Gonzalo de Benito ayaa u sheegtay warbaahinta inay qaadi doonaan tallaabo walba oo suurogal ka dhigi karta in shaqaalahaas ay xorriyadooda helaan, balse lama sheegin tallaabada la qaadayo nooceeda.
Qoysaska ay kasoo jeedaan haweenkan ayaa muujiyay walaaca iyo murugadooda ku aaddan afduubka lagu haysto hablahooda iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay sameeyaan wax walba oo lagu xiro si gabadhahooda ay dib xorriyadooda ugu helaan, kaddib hal sano oo afduub ah.
Bishii Feberaayo ee sannadkan ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Spain, Jose Manuel Garcia-Margallo wuxuu warbaahinta u sheegay inay helaan fariimmo muujinaya in labada samafale ee dalkooda u dhashay ay weli nool yihiin.
Ugu yaraan 50 samafalayaan Spain u dhashay ah ayaa lagu afduubay caalamka oo dhan 16-kii sano ee ugu dambeeyay, kuwaasoo ay ku jiraan labada haween ee ku afduuban gudaha Soomaaliya.
Saddex ka mid ah samafalayaasha Spain ee u shaqeynayay MSF ee la afduubay ayaa mid ka mid ah waxaa lagu afduubay sannadkii 1998-kii, halka labada kalena lagu afduubay Puntland sannadihii 2007 iyo 2008, iyagoo howlo shaqo halkaas u jooga.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Madaxweynaha oo laga dalbaday inuu laba Maalmood gudahood Ra'iisul Wasaaraha cusub ku horkeeno Baarlamaanka
10/14/2012 6:49 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud maanta inuu ku horkeeno baarlamaanka ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya si loo ansixiyo.
Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
10/14/2012 6:14 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa siyaabo kala duwan uga dhacay qaar katirsan degmooyinka gobolka Gedo.
Xarakada Al-shabaab oo xilkii ka qaaday Guddoomiyahooda Gobolka Banaadir; iyadoo u magacowday xilkaas Mas'uuliyiin kale
10/14/2012 6:13 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada caawinaya ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyahoodii gobolka Banaadir, Sheekh Maxamed Xasan Cumar (Abuu-Cabdiraxmaan) iyadoo xilkaas loo magacaabay mas'uulkii horay looga qaaday xilka gobolka Banaadir.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan looga hadlayo Xeer hoosaadyada Baarlamaanka
10/14/2012 4:15 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan looga hadlayo xeer-hoosaadyada baarlamaanka ku yeelanaya xarunta golaha shacabka, iyadoo dhawaan guddi loo saaray dib u eegista xeer hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.
Dableey hubeysan oo Magaalada Kismaayo ku toogtay nin xoogsade ah iyo ciidamada dowladda oo baaritaanno kawada
10/14/2012 4:07 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Kooxo Baastoolado ku hubeysan oo aan ilaa imika la garanayn cidda ay ka amarqaataan ayaa xalay toogasho ku dilay mid kamid ah odoyaasha dhaqanka magaalada Kismaayo xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday saladdii Cishaha.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo Wasiir u magcaabay Hoggaamiyihii Jabhadda SSC, Suleymaan Xagla-toosiye
10/14/2012 3:57 AM EST
Axad, Oktoobar 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) ayaa xil wasiir u magacaabay hoggamiyihii jabhadda SSC ee ka dagaalami jirtay deegaanka Buuhoodle, isagoo sidoo kale wasaarad cusub ku daray golaha wasiirrada Somaliland.
Somali News
Mogadishu property boom stirs concern
-
Al Jazeera
10/14/2012 8:26 PM EST
The property market in the Somali capital, Mogadishu, has boomed since the government pushed out al-Shabab fighters.
BBC HARDtalk - Musalia Mudavadi - Deputy Prime Minister of Kenya
-
BBC
10/14/2012 2:21 PM EST
Kenya is a country with big ambitions to be East Africa's powerhouse economy, and, as is being seen in Somalia, to be a dominant regional player. And yet Kenya's also a nation with deep-seated problems.
Somali refugees pass the one million mark, struggle in Egypt
-
Bikyamasr
10/14/2012 1:22 PM EST
CAIRO - Somali refugees across the world have passed the one million person mark, said the United Nations refugee agency on Friday, highlighting the growing need for an end to conflict in the Horn of Africa.
Why these young men are ready to die for religion
-
Daily Nation
10/14/2012 12:52 PM EST
The six Al-Shabaab recruits looked anything but the fighters they claimed they were. They were young, slight in build, shy with forlorn, distant looks in their eyes and seemingly unsure of themselves.
No News for 1 Year About Kidnapped Spanish Aid Workers in Kenya
-
LAHT
10/14/2012 6:08 AM EST
MADRID – One year after the kidnapping of Spanish aid workers Montserrat Serra and Blanca Thiebaut in Kenya, the Spanish Foreign Minister and Doctors without Borders pursue with extreme caution the procedures to free them from captivity.
Minn. witness describes early al-Shabab recruiting
-
AP
10/14/2012 6:05 AM EST
A Minnesota man who traveled to Somalia to enlist in the terrorist group al-Shabab has identified the person he says first attempted to persuade him to join up.
Somali, AU forces secure more southern towns from rebels
-
Xinhua
10/14/2012 6:00 AM EST
Somali government forces backed by African Union (AU) peacekeeping forces are spreading their control over territory run by Al-Shabaab rebels in the south of the Horn of Africa country.
TAVIS takes to Etobicoke streets
-
Toronto Sun
10/14/2012 5:57 AM EST
TORONTO - Toronto Police are canvassing residents of the Jameston Cres. area this weekend with signs in Somali language seeking information to nab those responsible for the execution-style slayings of Suleiman Ali and his cousin, Warsame.
Kenyan military Marks First Anniversary Since Entering Somalia
-
Capital FM
10/14/2012 5:53 AM EST
Nairobi — The Kenyan military was commemorating the Kenya Defense Forces Day on Sunday to mark one year since entering Somalia.