Hiiraan Online
Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Sabti, Oct 13, 2012
Dagaal khasaare geystay oo ciidamada dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Gobolka Shabeellada hoose
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay afar ka mid ah dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo dagaalkaas kasoo gaaray dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow garoonka diyaaradaha ee lambar konton.
"Waxaan mar keliya maqlay hub culus iyo rasaas fudud oo ka dhacaysa meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee KM-50, dagaalkuna wuxuu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogagga Al-shabaab," ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan deegaan ku dhow garoonka.
Dagaalka kaddib ayay goobjoogayaashu sheegeen inay arkeen maydadka afartan ka midka ah dhinacyadii dagaalamay; iyadoo ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.
Xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaan la ogeyn halka ay aadeen, welina kama aysan hadlin dagaalkaas dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ka dhacayay deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolkaas.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa dagaallo dhacay sannadkan ku qabsaday saddex degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose iyo deegaannada u dhexeeya, kuwaasoo kala ah, Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellada hoose, Afgooye iyo Wanlaweyn oo ay toddobaadkii hore qabsadeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Afhayeenka Howlgallada Al-shabaab oo beeniyay in Ciidamada Kenya ay Kumannaan Xoogagooda ka tirsan ay ku dileen Jubbooyinka
10/13/2012 8:29 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.
Hay'adda Samafalka RRP oo Gargaar u Qaybiyay Qoysas ka mid ah kuwii ay saameysay fatahaadii Magaalada Baladweyne
10/13/2012 7:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.
Ururka Midowga Afrika oo Qaramada Midoobay ka dalbaday in Soomaaliya laga qaado cunno-qabteynta Hubka
10/13/2012 6:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.
Burcabadeeda Somalia oo Malaayiin Madax-furasho lacageed ah kusii daayay Markab ay bilooyin afduub ku haysteen iyo Shaqaalihiisa
10/13/2012 6:33 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.
Ururka SYL II oo Magaalada Marko ku qabtay Siminaar looga hadlayay sidii dib loogu soo celin lahaa doorka Odayaasha Soomaaliyeed
10/13/2012 4:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.
Jen. Dhego-badan oo sheegay inay howgallada ciidan socon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo dalka oo dhan
10/13/2012 4:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.
Maxkamad ku taala dalka Kenya oo go'aan ka gaaraysa nin Hindi ah oo si sharci-darro ah ku sameeyay Baasaboorro Soomaali ah
10/13/2012 4:00 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.
Somali News
Interview with Ken Menkhaus: Al-Shabaab has been weakened but it is still far from destroyed
-
DailyNation
10/13/2012 1:12 PM EST
It is one year today since the Kenya Defence Forces moved into Somalia to tackle the threat posed by the Shabaab in the region bordering Kenya. Somalia expert Prof Ken Menkhaus of Davidson College, USA, offered his assessment of the intervention to Sunday Nation’s RASHID ABDI
Video: Defying Danger: Somali Refugees Flock to Journalism School
-
VOA
10/13/2012 11:35 AM EST
Al-Imra Institute of Languages and Journalism in Nairobi trains young Somali refugees who aspire to become journalists
Dutch, Italian navies detain 14 alleged Somali pirates
-
Sabahia
10/13/2012 11:35 AM EST
Dutch sailors taking part in NATO's piracy operation Ocean Shield on Thursday (October 11th) detained seven suspected pirates off the coast of Somalia after an attack on a Spanish vessel, AFP reported.
Threats fail to deter young Somali reporters
-
Aljazeera
10/13/2012 11:24 AM EST
Nairobi, Kenya - The assailants grabbed the Somali sports writer, bound his hands behind his back, and proceeded to torture him. They later dumped his body outside a Mogadishu restaurant, placing the severed head on his chest.
Mystery blast rocks city estate
-
Daily Nation
10/13/2012 12:18 AM EST
Two blasts rocked Nairobi’s Eastleigh estate last night injuring several people among them the officer in charge of the local police station.