Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Burcabadeeda Somalia oo Malaayiin Madax-furasho lacageed ah kusii daayay Markab ay bilooyin afduub ku haysteen iyo Shaqaalihiisa
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.


Afhayeen u hadlay burcadbadeedda oo lagu magacaabo Bile Xuseen ayaa sheegay inay kusii daayeen 2.3-milyan oo doollarka Mareykanka ah, isagoo sheegay inuu ka dhaqaaqay xeebaha Soomaaliya maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay.

"Madaxfurashii aan horay u dalbanay waxay ahayd sagaal milyan oo doollar, balse shirkadda iska lahayd markabka ayaan ka helnay 2.3-milyan, waana sii daynay markabka iyo shaqaalihiisii," ayuu yiri Bile Xuseen.

Shirkadda  Markabka iska leh ayaa iyaduna xaqiijisay in markabkeeda ay sii daayeen kooxihii burcadbdeedda ah ee haystay, balse ma sheegin in madaxfurasho ay bixisay iyo in kale.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Free Goddess ayay kooxaha burcadbadeedda ah ka afduubeen meel ku dhow xeebaha Soomaaliya 07-dii bishii Feberaayo ee sannadkan, iyagoo tan iyo xilligaas ku haystay xeebaha deeegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Burcadbadeedda Soomaaliya ayaa waxay weli gacanta ku hayaan lix markab iyo shaqaalihii la socday oo gaaraya 156 badmaax, kuwaasoo ay ku doonayaan in laga siiyo malaayiin doollar oo madaxfurasho lacageed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/13/2012 8:29 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.

10/13/2012 7:47 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

10/13/2012 7:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.

10/13/2012 6:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.

10/13/2012 4:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.

10/13/2012 4:05 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.

10/13/2012 4:00 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.