Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 13, 2012
Jen. Dhego-badan oo sheegay inay howgallada ciidan socon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo dalka oo dhan
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Somalia, Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) ayaa sheegay in howlgalka ciidamadu ay socon doonaansocon doonaan inta Al-shabaab laga saarayo meel walba oo ay dalka kaga sugan yihiin.


Abaanduulaha ayaa hadalkan sheegay xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Jimcihii shalay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo qiyaastii 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

"Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay ku guuleysteen inay la wareegaan garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle oo Al-shabaab ay u adeegsan jirtay inay kala soo dagto saanadda ciidan," ayuu yiri Jen. C/kariin Dhego-badan.

Sidoo kale, taliye ku xigeenku wuxuu hadalkiisa ku daray inay ka go'an tahay inay kula dagaalamaan Al-shabaab meel oo dalka ka mid ah, tan iyo inta ay ka dalka oo dhan ka saarayaan, wuxuuna sheegay in garoonka Balli-doogle uu sahlayo in la isku xiro Muqdisho iyo Baydhabo.

"Qorshuhu ma ahan in haddii ciidamada dowladdu ay deegaan qabsadaan inay iska joogayaan halkaas... way soconayaa, dhammaan deegaannada ay Al-shabaab ku sugan tahay hadda way tagayaan, waxayna kula dagaalamayaan geedaha iyo meel walba oo ay galaan," ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ay kala wareegeen Al-shabaab degmada Wanla-weyn, garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle iyo deegaanno u dhexeeya Afgooye iyo Muqdisho.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo isaguna warfidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle ayaa sheegay inay ka go'an tahay inay gaaraan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidammo kale oo ka tirsan AMISOM.

Ugu dambeyn, Xuseen Carab Ciise oo ah sii haya xilka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in howgalka lagu qabsaday garoonka Balli-doogle iyo degmada Wanla-weyn uu qayb ka yahay howgallada lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka oo dhan. 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/13/2012 8:29 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh Cabdulcasiis Abuu-Muscab ayaa beeniyay in ciidamada Kenya ay ku dileen 3,000 oo dagaalyahannadooda ka tirsan lagu dilay dagaalladii muddada halka sano ah ka socday gobollada Jubbooyinka.

10/13/2012 7:47 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal khasaare nafeed dhaliyay ku dhexmaray maanta agagaarka garoonka diyaaradaha lambar konton ee gobolka Shabeellada hoose.

10/13/2012 7:18 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Tan iyo wixii ka danbeeyay dhawaan markii fatahaadu ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan waxaa jiray gurmad kala duwan oo loo sameeynayay dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ku fatahay xaafadaha magaalada.

10/13/2012 6:52 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer si loo qalabeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab ka wada gudaha Soomaaliya.

10/13/2012 6:33 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Burcabdadeedda Soomaaliya ayaa madaxfurasho lacageed kusii daayay markab laga leeyahay dalka Giriigga balse siday calanka dalka Libeeriya iyo 21 shaqaalihisii ah oo u dhashay dalka Filibiin, kaddib afduub ahaan u qabsadeen bishii Feberaayo ee sannadkan.

10/13/2012 4:06 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Ururka dhalinyarada SYL II ayaa dagmada Marka ee gobalka Shabeellada hoose kusoo gabgabeeyay Jimcihii shalay kulan laba maalin socday oo ka koobnaa dood-cilmiyeed iyo aqoon-is-weydaarsi looga hadlayay sidii lagu soo celin lahaa doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku aaddan xal u raadinta dhibaatooyinka bulshada dhexdeeda ka dhaca.

10/13/2012 4:00 AM EST
Sabti, Oktoobar 13, 2012 (HOL) — Maxkamadda sharciyada ee dalka Kenya oo ku taalla magaalada Mombasa ayaa lagu wadaa inay 25-ka bisha Jannaayo ee 2013 go'aan ka gaarto dacwad ku saabsan nin Hindi ah oo si sharci darro ah u sameeyay baasaboorka Soomaaliya.