Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Oct 11, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu Nabadda ku Raadinayo dib u heshiiin soona dhisayo xukuumad tayo leh
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sheegay in nabadda dalka uu ku raadinayo dib u heshiisiin sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.
Mudane Cabdi Shirdoon wuxuu sheegay inuu ku jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu kusoo dhiso lahaa dowlad tayo leh, isagoo sheegay inuu la tashay baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.
"Tan iyo markii la i magacaabay waxaan ku jiray wadatashiyo aan la yeelanayo xubnaha baarlamaanka iyo qaybaha bulshada, taasoo ku aaddan sidii aan u soo dhisi lahaa dowlad tayo leh oo ku timid wadatashi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax.
Ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad siinayso soo celinta ammaanka iyo dib u heshiisiinta, isagoo xusay in xabbadu aysan ahayn xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad.
"Waxaan fursad ballaaran siin doonnaa dib u heshiisinta, waxaana ku fekeri doonaa in dadka Soomaaliyeed ay dagaal iyo dhib la'aan dantooda aadaan, mana qabo inay xabbadu tahay xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad. waxaana muhiimadda siin doonnaa dib u heshisiin, wadahadal iyo wadatashi," ayuu yiri mudane Saacid.
Sidoo kale, mar ra'iisul wasaaruhu uu wareysi siinayay VOA-da ayuu sheegay in ammaanka ay doonayaan inuu dalka ka hirgalo uu noqon doono mid ay qayb ka qaataan bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidamada iyo xukuumadda keliya aysan nabadda dalka soo celin karin, balse ay garab uga baahan yihiin shacbka.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay musuqmaasuqa isagoo sheegay in uu la dagaalmi doono musuqaasuqa, kaasoo uu ku sheegay inuu luminayo kalsooni ay shacabku ku qabaan dowladooda iyo in dowladdu ay isku halleyso shacabkeeda.
"Musuq-maasuqu wuxuu luminayaa kalsoonida ka dhexeysa dowladda iyo shacabka; wuxuuna qaribayaa nidaamka dowliga ah inuu shaqeeyo; wuxuu keenayaa inay ku jirto dowladdu fashil joogto ah maadama uu musumaasuqu yahay mid meesha ka saaraya kalsoonida," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay maskaxda ku hayaan ay tahay in dowladda iyo dadku ay is aaminaan ayna kalsoonooodu gaarto inay wada-shaqeeyaan, sidaa darteed ay dowladdu noqon karto mid ay dadkeedu aaminaan iyadana dadkeeda isku tiirisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Ciidammo ka kala tirsan Maamullada Ximin iyo Xeeb iyo Gal-Mudug oo ku dagaalmay deegaanka Hobyo ee Gobolka Mudug
10/11/2012 8:13 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Wararka ka soo baxaya deegaannka Hobyo ee gobollka Mudug ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan maamulada Ximin iyo Xeeb iyo Galmudug.
Milateriga Kenya oo sheegay inay Kismaayo ka heleen Xabaal ay ku Aasnaayeen Afar ka mid ah Ciidamada Milateriga Kenya
10/11/2012 7:35 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Dowladda Kenay ayaa sheegtay in ciidankeeda ka tirsan AMISOM ay Kismaayo ka heleen xabaal-wadareed lagu aasay afar askarta Kenya ka tirsan, sidaas oo kalena ay heleen maydka askari Soomaali ah oo qoorta laga jaray.
Hay’adda ICRC oo Mucaawino u qeybisay dadkii ka barakacay Fatahaadihii Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
10/11/2012 7:27 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Hay’adda laan-qaybta cas ee ICRC oo bilihii ugu dambeeyayba howlo gargaar ah ka wadday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa deeq raashin ah gaarsiisay qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii ku dhufatay magaalada Baladweyne kuwasoo waqtigan daadsan daafaha magaalada oo ay ka dhisteen guryo cooshado ka sameysan.
Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo sadex qof dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari rakaab siday
10/11/2012 7:08 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Askar ka tirsan ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa saddex qof oo shacab ah dilay kaddib markii ay rasaas ku fureen gaari kuwa rakaabka qaada ah oo marayay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo rasaastaas ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.
Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo ku hanjabay in Al-shabaab ay ka saarayaan Gobolladaas
10/11/2012 7:01 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan degmooyinka weli gacantooda ku jira ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Kooxo hubeysan oo Sarkaal ciidanka dowlada ka tirsan ku dilay Degmada Wardhiigley iyo howgallo degmadaas laga sameeyay
10/11/2012 3:36 AM EST
Khamiis, Oktoobar 11, 2012 (HOL) — Kooxo ku hubaysan ayaa xalay xaafadda laba-dhagax ee degmada Wardhiiglay ku toogtay sarkaal ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo markii uu dilku dhacay ay ciidamada nabad-sugiddu baaritaanno ay dad badan kusoo qabqabteen ka sameeyeen xaafaddaaas.
Somali News
Ethiopia troops along Somali border, says fearful residents
-
Bikya Masr
10/11/2012 3:40 PM EST
ADDIS ABABA: Ethiopia troops and armored vehicles are amassing near the Somali border town of Luq in Gedo in what witnesses told Bikyamasr.com they fear will be a pending battle.
U.S. supportive of Somali leaders
-
UPI
10/11/2012 3:33 PM EST
WASHINGTON, Oct. 11 (UPI) -- The U.S. government looks forward to working with the new Somali prime minister as he works to establish a sound political base, the U.S. State Department said.
KDF unearth Kismayu grave
-
The Star
10/11/2012 3:32 PM EST
The Kenya Defence Forces currently securing the port city of Kismayu in Somalia have reportedly unearthed a grave and recovered an undisclosed number of bodies. The unofficial report from the frontline is that bodies have been found, but their identities are yet to be established. DNA tests are to be conducted to identify the bodies.
Iran Ready to Share Experiences with Somalia
-
FNA
10/11/2012 3:31 PM EST
TEHRAN (FNA)- Iranian President Mahmoud Ahmadinejad announced his country's preparedness to share experiences in different fields with African states, specially Somalia.
Somali journalists are dying from corruption as much as conflict
-
Guardian
10/11/2012 3:28 PM EST
It's been a terrible year for Somali journalists. Fifteen of them have been murdered in 2012 so far – mostly victims of targeted killings. That makes Somalia one of the deadliest places to be a journalist. In all of these cases, the perpetrators have never been caught.
EU Naval Force Quick To Capture Suspect Pirate Boat [Video]
-
The Maritime Executive
10/11/2012 3:26 PM EST
Last night EU Naval Force flagship, ITS San Giusto stopped and apprehended a skiff with 7 suspect pirates onboard.
Official: 3,000 extremists killed by Kenya
-
UPI
10/11/2012 3:20 PM EST
NAIROBI, Kenya, Oct. 11 (UPI) -- Kenyan military forces have killed more than 3,000 al-Shabaab fighters since entering Somalia a year ago, the Somali defense minister says.
Pair guilty of Abdullahi Osman murder
-
BBC
10/11/2012 2:25 AM EST
A man has been found guilty of murdering another man who was found critically injured in a park in west London.
Somalia in row with militias in captured town
-
Daily Nation
10/11/2012 2:18 AM EST
Mr Aden Ahmed Hersi alias Rufle, the spokesman of the Somali government forces in Juba region has told the media that a clan-based grouping is disturbing the attempts to stabilise the town of Kismayu, 500 kilometres south of Mogadishu.
Woman who ran over people with vehicle gets 2 years in prison
-
Inforum
10/11/2012 2:17 AM EST
FARGO – A Fargo woman who pleaded guilty to running over several people with her car was sentenced to two years in prison Wednesday but told the court she had been harassed and was trying to defend herself.
Witness: Minnesota man accused in aiding al-Shabab recruiting not part of planning sessions
-
AP
10/11/2012 2:14 AM EST
MINNEAPOLIS – A Minnesota man who joined the terror group al-Shabab in Somalia testified Wednesday he never saw a man accused of supporting recruits take part in secret meetings to plan their trips to the East African country.