Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ardayda Jaamacadda Hiiraan University oo Gurmad Caafimaad u Sameysay Dadkii ku Barakacay Fatahaadihii Baladweyne

Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa  gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

Ardayda oo dhaqaale ay iska ururiyeen ku iibiyay daawooyin kala gadisan ayaa dadka ku baaray ilaa sadax bar caafimaad oo ay ka sameyeen goobaha ay dadku u barakaceen, waxana baaritaanka caafimaad ka faa’ideytay boqolaal ruux oo u badnaa haween iyo caruur.

Max’ed C/llaahi Buraale (Raaxeeye) oo ah guddoomiyaha Ardayda Jaaamacada oo HOL kula hadllay deegaannka Ceel-jaale oo ay degan yihiin barakacayaasha ugu badan ayaa sheegay in madaama aysan wali dadkani helin baaritaano caafimaad garteen ardayda Jaamacada in ay daboolaan kaalintaas.

"Runtii baahi weyn ayeey u qabeen dadka in ay heleen adeeg caafimaad, mudadii aan baaritaannada wadney cudurada ugu badan oo aan aragna waxaa ay ahaayeen cudurka shubka iyo waliba cudurada ku dhaca maqaarka ama jirka, dadka daawo ayaa la siinayay, kuwa aad u liitana waxaan u soo qaadnay isbitaalka guud ee magaalada si loogu daweeyo, ilaa 62 ruux ayaan u garanay in isbitaalka loo gudbiyo oo aan u soo qaadnay,’’ ayuu yiri Max’ed C/llaahi Buraale Raaxeeye.


Raxmo Xassan Shiikh oo macalin ka ah kuliyada caafimaadka Jaamacada Hiiraan University ayaa sheegtay in talaabada ay qaadeen ardayda tahay mid muhiim ah oo ku soo beegantay waqti siweyn looga baahnaa, iyadoo sheegtay in dadka marka ay la soo darsaan dhibaatooyinka noocan oo kale ah adeegyada ay u baahan yihiin caafimaadku ugu horeeyo.

Goobaha ay dadku ku baarayeen ardayda Jaamacada ayaa waxaa siweyn ugu soo xuumay dadka barakacayaasha ah oo siyaabo kala duwan uga cabanayay xanuuno la soo darsay, waxaana dhamaantood la siiyay ama loo qeybiyay daawooyin kala duwan oo la xiriira xanuunada ay ka cabanayeen.

Ugu dambeytii, guddoomiyaha Jaamacada Hiiraan Universitay Cismaan Max’ed Cilmi (Cismaan’Caato)’ oo ardayda ku wehlinayay gurmadka caafimaad oo ay u sameynayeen dadka barakacayaasha ah ayaa sheegay in Jaamacadu mar walba u taagan tahay in ay bulshada la qeybsato dhibaatooyinka kala duwan ee la soo darsa, gaar ahaan in ay u sameyso adeegyada lagama maar-maanka ah, waxaana uu sheegay in la sii wadi doono gacanta la siinayo dadkii ku barakacay fatahaadii dhawaan ku dhuftay magaalada Baladweyne.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.