Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo sameeyay howgallo Boqolaal qof iyo hub lagu soo qabqabtay iyo askari dilay Haweeney
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir, G/sare Axmed Xasan Maalin iyo afhayeenka booliiska, Jen. Cabdullahi Xasan Bariise oo si wadajir ah ula hadlay saxaafadda ayaa
sheegay in howgalka oo saakay aroortii hore billlowday ay kusoo qabqabteen 346 qof iyo hub fara badan.

"Howlgalkii saakay laga sameeyay degmada Hodan ee Muqdisho wuxuu ahaa mid ay iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo nabadsugidda, waxaana lagu soo qabtay dadkan aad arkaysaa, markii baaritaanno lagu sameeyay waxaa la sii daayay 286, waxaana shaki weyn laga qabaa oo gacanta ciidanka ku haray 60-qof," ayuu yiri Jen. Bariise oo warbaahinta la hadlayay.

Col. Maalin oo isaguna hadlay ayaa sheegay in hubka lasoo qabtay ay ka mid yihiin 36 bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah oo loo yaqaan F1 iyo bambooyin aanay horay u arag oo dalka ku cusub, isagoo sheegay in howlgalladan ay soconayaan inta ammaanka laga xaqiijinayo.

Guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabareey) oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xalay bambaano aan khasaare geystan lagu tuuray xarunta degmada Hodan, lana qabtay kooxihii weerarkaas ka dambeeyay oo lasoo taagi doono sharciga.

"Howgalkan waa mid aan soo dhaweynayno, waxaana cosanasynaa inaan maanta oo keliya lagu ekeyn balse lasii joogteeyo inta ammaanka degmada laga sugayo," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hodan.

Dhanka kale; askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haweeney rayid ah ku toogtay xaafadda Zone K ee degmada Hodan, kaddib markii uu rasaas bareer ah ku furay goob dad shacab ah mucaawino loogu qaybinayay.

Goobjoogayaal ku sugnaa halka uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu baxsaday, dadkii gargaarka loo qaybiyayna ay meesha ku kala career, iyadoo la sheegay in askariga iyo hay'adaha gargaarka qaybinaysay uu muran soo dhexgalay ka hor inta aanu rasaasta furin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.