Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Ciidamadda Somaliland oo Habeenkii Salaasada Gudaha u galay guri ay dad shacab ah deggenaayeen oo ku yaalla Hargeysa
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

Ciidamadan oo wakhti dambe oo la hurdo guriga yimid ayaa baadhitaan xoog leh ka sameeyey, isla markaana rasaas ku riday guriga dhexdeesa, waxaanay halkaasi ka soo qabteen shan nin oo uu ku jiro gudoomiyaha wargeyska Saxafi ee magaaladda Hargeysa ka soo baxa.

Ciidamadda ayaa rasaasta ku riday guriga daaradiisa, taas oo waxyeelo u geysatay guriga, isla markaana dhamaan wixii guriga yaallay shay shay u baadhay, iyagoo dhamaan agagaarka guriga iyo wadooyinka mara wada xidhay, dadkii wadooyinka u dhow dhowaa marayeyna la joojijey.

Ciidankan oo wata sagaal gaadhi ayaa abaaro kowdii habeenimo ilaa saddexdii habeenimo baadhayey guriga, Warku waxaa uu intaas ku daray in ay saacadahaas dad badan oo si kadis ah ulla kulmay hawl-galka oo jidka marayay la joojiyey inta ay hawshu socotay.

“Annigoo ka soo daadagay Jidka Idaacadda oo ku socda gurrigii, ayaa waxaa I joojiyay Ciidan xoogan, waxaan u sheegay inaan ku socdo gurriga Ilma Ibraahim gaadhigana Geerashkan ayaan dhigayaa ayaan ku idhi. dabadeed, ciidankii intay isku yaacyaaceen ayuu taliyahoodii igu yidhi waar ka bax meesha Guriga waa la baadhayaaye, maxaa dhacay ayaan ku idhi oo laga baadhayaa, waxna iima uu sheegin” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka gurriga degan.

Ilaa hadda ciidanku kama hadal sababta loo baadhay guriga iyo sababta wakhtigaas habeen badhka ah rasaasta loogu furay guriga, maadaama oo gurigu ahaa guri shacab oo caruur iyo haweenba ay ku jireen, waxaana shanta qof lagu hayaa xarunta Dambi baadhista ee magaaladda Hargeysa.

Sida eheladdu noo xaqiijiyeen waxa ay sheegeen inay guriga oo ay joogeen shan nin laga qabtay, xabsigana loo taxaabay, waxaanay shantaas nin ku jiray gudoomiyaha Wargeyska madaxa banaan ee SAXAFI, Cabdifataax Dheeg, waxa kale ku jiray  laba qof oo ganacsato ah oo ka shaqaysta suuqa dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Sidoo kale, waxay guriga ka qaateen toddoba Mobile oo ay dadka guriga degan ka ururiyeen iyo  alaabooyin kale, waxaanay sheegeen dadka degan guriga in ciidanku meel walba baadheen  ilaa xerada riyaha oo guriga hortiisa ku taalay, aadna u jajabiyeen wixii guriga yaalay intii ay baadhayeen.

“Habeen badh bay guriga soo galeen ciidan afka soo duubtay, Rasaasbay hadba dhan u riddaan, xataa Sibidhka ayay la dheceen rasaas oo gurriga waa burburiyeen meel kasta. Waxay na weydiinayeen Gurriga yaa degan, yaa gala, Telefoon badan ayaa ku soo dhacayey (ciidanka baadhayey) intii ay na badhayeen oo  waxay lahaayeen ma hesheen iyo ma hayno. Waxay na weydiinayeen Konbuyuutar..qashinkii ayay baadheen, xattaa Riyihii xeradda ku jiray ayay bahalada miinadda mariyeen. Inamaddii guriga joogayna waa ay xidh-xidheen” Sidaas waxaa tidhi hooyada qoyskan la baadhayey oo ka hadlaysay qaabka loo baadhay.

Toddobaadyadii u dambeeyey ayey ciidanka loo tobabaray la dagaalanka argagixisada ay baadhayeen guryo kala duwan, isagoo gurana noqonayaa  gurigii shanaad ee habeen badh la baadho, Islamarkaana dad laga xidho, haseyeeshee ciidanku wax jawaab ah kama bixiyaan hawl-galadoodda marka ay dhameeyaan wixii ka soo baxay, isla markaana wax raali galin ah kama bixiyaan dhibaatadda ay u gaystaan qoysaska la baadhay ee lagu xadgudbo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:24 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.