Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 10, 2012
Kulan lagu waday inuu Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya khudbad ugu jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka oo dib u dhacay
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Kulan uu ra'iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ugu soo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhacay, iyadoo dib u dhacan lagu sheegay mid farsamo.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa sheegay in kulankaan uu dib u dhacay, balse la qaban doono maalmaha soo socda, iyagoo sheegay in ra'iisul wasaaraha ay ka dhageysan lahaayeen khudbad ku aaddan xukuumadda lasoo dhisayo iyo waxay qabanayso.

"Waxana nalagu wargeliyay inuu dib u dhacay kulan maanta dhici lahaa oo ra'iisul wasaaraha cusub aan uga dhageysan lahayn waxqabadka xukuumadda uu soo dhisi doono," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka.

Lama sheegin xilliga uu kulankan qabsoomi doono, balse ra'iisul wasaaraha oo la hadlay idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh.

"Waxaan soo magacaabayaa gole wasiirro oo ku imaan doona aqoon, hufnaan iyo karti, waxayna ku imaan doontaa xukuumadda aan soo dhisayo wadatashi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inuu dagaal adag la geli doono musuq-maasuqa.

Ra'iisul wasaaraha aan weli kalsoonida baarlamaanka helin ayaa wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari dooto sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka dalka, sidoo kalena ay wax walba ku raadinayso nabad iyo dib u heshiisiin, isagoo sheegay in xalku uusan ku jirin dagaal.

Kulankan baarlamaanka ee baaqday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyay, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn xilliga uu dhici doono kulankan midka xiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya




Post your comments

10/10/2012 10:46 AM EST
Talaado, Oktoobar 08, 2012 (HOL) — Sanduuqa Samafalka ee Ugaas Khaliif waxaa dhawaan lagu aasaasay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

10/10/2012 8:59 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in xilliga howgalkooda Soomaaliya uu ku xiran yahay midka AMISOM oo ay qayb ka yihiin, waxayna sheegeen in haddii howgalka ciidamada Midowga Afrika la kordhiyo ay sii joogi doonaan Soomaaliya.

10/10/2012 8:22 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Hargeysa, ayaa maanta xoriyadoodii dib ugu soo celisay laba masuul oo muddo billo ah ugu xidhnaa arrimo musuqmaasuq.

10/10/2012 8:09 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Afartan qof ayaa la sheegay inay doonayeen inay dhac geystaan u geysteen goob shidaalka lagu iibiyo iyo bankiga dhexe ee dalka Kenya, iyadoo booliisku ay ka warheleen dabadeedna toogteen, iyadoo dhowr kale oo burcad ahna ay baxsadeen.

10/10/2012 7:51 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Iyadoo wali ay jirto gurmadka loo fidinayo dadkii dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne, ayaa markii ugu horeysay waxaa gurmad caafimaad u sameeyay ardeyda Jaamacada Hiiraan University gaar ahaan qeybta kuliyada caafimaadka.

10/10/2012 7:50 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — shirkii saddexda cisho u socday golaha Wasiiradda Somaliland ee lagu qiimaynayey waxqabadkii mudadii labadda sanno ee uu taladda dalka hogaaminayey madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray 12 qodob oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

10/10/2012 7:20 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay magaalada Kambaala ee xarunta Uganda oo uu safar ku joogo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ayaa ka dalbaday inay kaalin muhiim ah ka qaataan dib u dhiska dalka.

10/10/2012 6:58 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxay kusoo qabqabteen boqolaal qof iyo hub u badan bambooyinka gacanta laga tuuro.

10/10/2012 3:31 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Shil gaari oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Meer-meerka oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan, ayaa waxaa ku dhaawacmay gudoomiyihii gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Galan.

10/10/2012 3:25 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Ciidamada la dagaalanka Arrgagixisadda (RRU&SPU) ayaa habeenkii salaasada saqdii dhexe gudaha u galay guri ku yaalla xaafadda Goljano ee magaaladda Hargeysa.

10/10/2012 3:23 AM EST
Arbaco, Oktoobar 10, 2012 (HOL) — Qarax la aaminsanyahay in uu yahay nooca yahay miinooyinka remoteka laga hago ayaa shalay ka dhacay xaafadda Calanleey ee bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoona uu qaraxaasi sababay khasaarooyin soo gaaray dad rayid ah.