4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Baarlamaanka Kenya oo Maanta ka dooday Howgalkii Milateriga Kenya ee Gaarisa, Guddina u saaray Baarista Howgalladaas
Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta ka dooday howgalladii ay ciidamada milateriga Kenya ka fuliyeen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, kaasoo ay dad ku dhinteen, kuwo kale ay dhaawacyo, sidoo kalena geystay burbur hantiyeed oo fara badan.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhuujis ee degmada Gaarisa, Aadan Barre Ducaale oo baarlamaanka hortiisa ka hadlayay ayaa sheegay in ciidamada milateriga Kenya iyagoo aan cidna kala tashan ay howgallo ka billaabeen wadooyinka Gaarisa, isagoo ka dalbaday madaxweynaha Kenya inuu soo farageliyo arrintan.

"Taliyaha guud ee ciidamada Kenya madaxweyne Mwai Kibaki kama aamusi karo xad-gudubyada ay milaterigu ka geysteen Gaarisa, haddii uu aamusay markii dadka lagu laayay Tanariva, haddii uu aamusay markii 45 askari lagu dilay deegaanka Baragoy, kama aamusi karo waxa ka dhacay Gaarisa. Wasiirka difaacu wuxuu noo ballan-qaaday in madaxweynaha uu kala hadli doono inuu shacabka Kenya kala hadlo wixii ka dhacay Gaarisa," ayuu yiri mudane Aadan Barre.

Mudanayaasha baarlamaanka Kenya ayaa waxay shaki geliyay doorka uu milaterigu ku leeyahay marka ay timaado dhibaato dalka gudihiisa ah iyadoo aan loo fasaxin in ay howgallo sameeyaan. Waxaana arrintan ka hadlay xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto degmada Kamakunji oo ay ku taallo xaafadda Islii ee Nairobi.

"Dalku miyuu burburay, ma waxaan ku jirnaa xaalad dagaal. Uma maleynayo inuu jiro waddan caadi ah oo milaterigiisa u isticmaalaya arrimaha gudaha iyadoo dalka uu yahay mid ammaan ah. Sidaa daraadeed qiil ma loo heli karaa inaan milateriga u adeegsanno arrimaha gudaha," ayuu Yuusuf Xasan.

Fadhigii baarlamaanka Kenya ayaa waxay saacado badan ku qaadatay in la dhiso guddi baaritaan ku sameeya baaritaanka dhacadii Gaarisa oo ay dad badan waxyeelo kasoo gaartay. Waxaana sidoo kale howgalka milateriga ee Gaarisa ka dhacay cambaareeyay xildhibaanad Mili Odiyambo.

"Xitaa waxaa khalad ah in kulammada baarlamaanka ay halkan sii socdaan arrimo dhowr ah oo aad u daran awgood, waxaa ka mid ah arrinta ka dhacday Gaarisa, waxaan ka walaacsanahay inaan ku laabannay xilliyadii madoobaa ee dadka la layn jiray. Waa inaan deg-deg u joojinno kulammada baarlamaanka oo aan ka tashannaa arrimaha dhacaya," ayay tiri Odiyambo.

Degmada Gaarisa ayaa deggen kaddib laba maalmood oo milateriga Kenya ay howgallo khasaare naf iyo maalba ah geystay ay ka sameeyeen magaaladaas, taas oo ka dhalatay dilka saddex askari oo ka tirsan milateriga, iyadoo aan illaa iyo hadda la ogaan cidda ka dambeysay dilka askartaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya