4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo booqday Magaalada Gaarisa iyo Xaaladda degmadaas oo saakay deggen
Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Kenya, Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa gaaray magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya gallinkii dambe ee shalay oo Salaaso ahayd, iyadoo la sheegay in xaaladdu ay saakay tahay mid deggen.

Yuusuf Xaaji ayaa booqday goobihii ay ciidamada Kenya dhibaatooyinka ka geysteen isagoo sheegay in falalkii ay ciidamadu ku kaceen ay ahaayeen kuwo aad u xun, balse ma uusan sheegin in tallaabo laga qaadayo ciidamadaas iyo in kale.

"Xaaladda Gaarisa way deggen tahay tan iyo markii uu shalay soo booqday wasiirka difaaca Kenya, saakay waxaa dib loo furay goobaha ganacsiga qaarkood, gaadiidka dadweynuhu dib ayay shaqooyinkooda u billaabeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Gaarisa oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamadii Kenya ee gudaha ugu jiray magaalada labadii casho ee lasoo dhaafay aysan saakay joogin, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

Mudanayaasha laga doorto Gaarisa, culummada iyo waxgaradka degmada ayaa aad uga carooday falalkii isugu jiray boobka, gudbidda iyo khasaaraha nafeed ee ay ka geysteen ciidamada milateriga Kenya magaalada Gaarisa, iyagoo ku eedeeyay dowladda Kenya inay iska indho-tirtay wixii Gaarisa ka dhacay.

Rabshadaha magaalada Gaarisa ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxay ka dhasheen dilka saddex askari oo ka tirsan milateriga Kenya oo maalintii dorraad loogu geystay bartamaha Gaarisa.

Dhaawacyada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay rabshadihii magaaladaas ka dhacay ayaa weli yaalla isbitaalka weyn ee magaalada, waxaana dadkaas ku jiray arday ay ciidamada Kenya ugu galeen iskuulkii ay wax ka baranayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya