3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA JABUUTI: "Soomaaliya waxay u baahan tahay lacag fara badan oo dib loogu dhiso"
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.


Mudane Yuusuf wuxuu sheegay in dalkiisu uu hormuud u yahay qabashada shir-weyn lacago loogu ururinayo Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaalidu ay ka daashay lacago yaryar oo loogu deeqo, balse hadda loo bahan yahay in Soomaaliya dib loo dhiso.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay in loo qabto shirweyne dhaqaale fara badan loogu ururinayo si dib u dhis loogu sameeyo," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti oo VOA-da la hadlayay kaddib markii lagu soo gabgabeeyay xarunta dalka Jabuuti shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirku wuxuu daboolka ka qaaday in qodobbadii kasoo baxay shirka iskaashiga Islaamka ee Jabuuti lagu qabtay uu ka mid ahaa in dhaqaale loo ururiyo Soomaaliya si dib loogu dhiso, isagoo xusay in Jabuuti ay mar hore billowday sidii shir dhaqaale ururin ah loogu qaban lahaa Soomaaliya.

"Soomaalidu way ka daaleen deeqo yar-yar oo la siiyo. Maantana awood uma lahan inay dalkooda dib u dhistaan; waxaase loo baahan yahay in caalamka uu dhaqaale balaayiin doollar ah u ururiyo si dib loogu dhiso," ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf, wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u soo laabashada horumarka iyo nabadd Soomaaliya ay ku xiran tahay dib guud oo dalka lagu sameeyo, isagoo ugu baaqay caalamka inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya mar kale dib loogu dhisi lahaa.

Shirka lagu soo gabgabeeyay dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb-gashay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo ka baaqatay dhaartii golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti wuxuu sheegay in dalalka Islaamku ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan in lagu hakiyo duqeymaha ay Israa'iil ku hayso shacabka reer Falastiin ee ku nool marinka Gaza.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/17/2012 7:23 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.

11/17/2012 6:58 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.

11/17/2012 6:20 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.

11/17/2012 3:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.

11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.

11/17/2012 1:35 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.