3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Qaramada Midoobay oo sheegtay in Soomaali ay ka mid tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay xaaladaha bani'aadnimo ka jiraan

Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Mark Bowden oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Nairobi ayaa sheegay in 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ay weli u baahan yihiin gargaar bani'aadamnimo.

Bowden, wuxuu sheegay in xaaladda Soomaaliya ay kasoo ranayso sidii ay ahayd sannadkii hore, markaasoo ay abaaro ba'an oo sababay macluul ay ku dhufteen gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla, balse wuxuu sheegay in xaaladdu ay weli tahay mid adag.

"Qiyaastii 2.5 milyan qof oo Soomaali ah ayaa weli u baahan gargaar aadane oo deg-deg ah, haddii aan xaaladaha bani'aadamnimo ee taagan si deg-deg ah wax looga qaban waa imaan karta in 1.2 milyan qof oo dheeraad ah ay lasoo daristo xaalad nololeed," ayuu yiri Bowden oo sheegay in haddii ay macluushu ka baxday Soomaaliya aan loo qaadan karin in xaaladdu ay wanaagsan tahay.

Xiriiriyuhu wuxuu ku sheegay in sannadka horraantiisii ay beeraleyda Soomaalidu gurteen mirihii ay beerteen, sidoo kalena ay xaaladda bani'aadamnimo hoos u dhigtay kaddib markii gargaarka bani'aadamnimo la gaarsiiyay meelo fog-fog oo aysan horay u gaari jirin, inkastoo dhibaato xooggan laga maray gaarsiinta gargaarka.

Sidoo kale, Bowden wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli tahay meelaha ugu daran caalamka ee ay ka jiraan xaaladaha bani'aadamnimo, wuxuuna xusay in goobihii ay dhawaan la wareegeen ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ay u suuro-gashay hay'adaha samafalku inay ka howlgalaan.

“Waxaa muhiim ah inaan sheego in hayáddaha samafalka ay ka howgalaan goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, waxaana xaqiiq ah in deegaannadaas ay u tegi karaan hay'aduhu sidii hore si ka wanaagsan," ayuu yiri Bowden hadlakiisa ku daray.

Dalalka Turkiga iyo Carabta ayuu ku ammaanay inay gacan weyn ka geysteen sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd xaalado daga oo soo maray sannadkii hore, wuxuuna xusay in dalalka ay qayb ka noqdeen sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladihii adkaa ee dhinaca bani'aadamnimada.

"Waxaan dalalka caalamka ugu baaqaynaa in la dhameystiro howshii lasoo billaabay xilligii ay macluushu ku dhufatay, waxaa loo baahan yahay 1.16 bilyan oo doollar si howsha gargaarku ay u sii socoto, balse waxaan hadda haynaa kala bar lacagtaas," ayuu yiri Bowden.

Qaramada Midoobay ayaa bishii July ee sannadkii hore ku dhawaaqday in gobollo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya ay macluuli ka dillaacday, kuwaasoo ay ka mid ahayd gobolka Shabeellada hoose, taasoo keentay in dalalka Turkiga, Iiraan iyo Carabtu ay u soo gurmadaan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/17/2012 8:27 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay balaayiin doollar si dib loogu dhiso, isagoo sheegay in lacagaha yaryar ee mar walba la sheego in loogu deeqay aysan waxba u tagayn Soomaaliya.

11/17/2012 6:58 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Kulan wadatashi iyo isbarasho ah ayaa maanta dhexmaray wasiirradii hore ee xukuumaddii KMG ahayd iyo wasiirrada cusub iyadoo kulankan uu shir guddoominayay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon.

11/17/2012 6:20 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.

11/17/2012 3:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Al-shabaab ka saaray deegaanno ay ku xoogganayd oo ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, laakiin hadda waxaa ka taagan deegaannadaas dagaal siyaasadeed ku aaddan ciddii maamuli lahayd.

11/17/2012 2:47 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa isbitaallo lagu daweeyo dadka xanuunsan ka furay deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada kuwaasoo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinayay.

11/17/2012 2:33 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa ayaa shalay oo Jimco ka guuray magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Uganda, halkaasoo degenaasho ay ka heleen.

11/17/2012 1:35 AM EST
Sabti, November 17, 2012 (HOL) —Kadib booqasho uu ra’isul wasaaraha dalka Masar Hisham Qandal ku tagay magaalada Qasa ee dhulka Falastiin ayuu sheegay in dowladda Masar aysan indhaha ka daboolan doonin dhibaatada ka taagan halkaasi.