4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2012
Haween ka socday Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Muqdisho loogu qabtay Dood-cilmiyeed ku saabsan Guurka
Sabti, November 17, 2012 (HOL) — Hay'adda Wadahadalka Bulshada ee CCD ayaa maanta dood-cilmiyeed looga hadlayay gabdhaha khasab lagu guursado Muqdisho ugu qabatay haween ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir. iyadoo lagu falanqeeyay doodda sidii looga hortagi lahaa in gabadha si khasab ah loogu guuriyo qof aysan raalli ka ahayn.

Xildhibaanad Caasho Maxamuud Cumar (Caasho Koos) oo furitaankii doodda hadal ka jeedisay ayaa tilmaamtay inay haboon tahay  in gabdha laga doodto waalidkii dhalay marka la doonayo in la guursado, si guurkaas uu u noqdo xalaal, iyadoo wax laga xumaado ku tilmaamtay in dhaqanka wanaagsan laga leexdo, isla markaana si khasab ah lagu guursado haweenka.

"Waxaa nasiib daro ah gabar lagu soo tiir iyo tacab beelay xoog lagu guursado, tani waa qayb ka mid ah dhibka haweenka haysta. Waxaa dhacaysa in nin ajnabi ah si khasab ah loogu guuriyo, ruux aysan dhaqankiisa, afkiisa aqoon lama dhaqmi karto," ayay tiri xildhibaanad Caasho Koos.

Xildhibaannadu waxay sheegtay in loo baahan yahay in haweenka la wacyi-geliyo, gabdhahana loo caqli-celiyo, si aanay mustaqbalkeeda u qasaarin, si khasab ama jajuub ahna aan loogu guursan. Iyadoo intaas ku dartay in gabdhaha looga baahan yahay inay wax bartaan si garaadkooda u kobco.


Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab oo iyaduna ka hadashay doodda ayaa sheegtay in gabdhaha la khasbay ay la kulmaan dhibaato aad u xooggan, isla markaana noloshooda mugi la gelinayo, iyadoo ku tilmaamtay in guur aan xalaal ahayn uu yahay guurka khasabka ku dhisan.

"Gabdhaha sida khasabka ah lagu guursaday ee noloshooda mugdi la geliyay, waxaa u aragnaa mid lagu doonayo in lagu bedelo dhaqanka wanaagsan ee Soomaalidu ay lahaan jirtay," ayay tiri Jawaahir Baarqab.

Sidoo kale, waxaa doodda ka hadlay guddoomiyayaasha ururrada haweenka ee ka socday degmooyinka Dayniile, Shingaani iyo kuwa kale waxayna farta ku fiiqeen in gabadhaha xoogga lagu guursado ay ka dambeeyaan dad Soomaaliya u dhashay.

Madaxa Haweenka CCD, Sahro Maxamuud Amiin oo doodda ka hadasha ayaa iyana sheegtay in waalidiinta looga baahan yahay inay ka hortagaan kuwa gabdhahooda ku qalqaalinaya inay guursato qof aan Soomaali ahayn, waxayna xustay in waalidiin badan la qayaanay markii dad kale ay u yimaadeen gabadhana ka soo doonteen, kaddibna ajaanib loo guuriyay.

Ugu dambeyn, waxaa doodda la isku dhaafsaday fikrado iyo aragtiyo kala duwan; waxaana haweenkii ka qayb-galay ay soo jeediyeen inay isku xirnaadaan waalidka iyo gabadha si looga hortago in khasab lagu guursado.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya