3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Wejigii Koowaad ee Mashruuca Shidaal baarista Puntland oo lasoo gabagabeeyay

Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Waxaa horraantii bishan aynu ku jirno ee Nov, 2012 si rasmi ah usoo gaba gaboobey hawlihii shidaal baarista ahaa ee ay shirkadda Africa Oil ka waddey ceelalka Shabeel-1 iyo Shabeel-2 ee dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

Shirkaddii howsha qodaalka qandaraaska kaga qaadatay Africa Oil oo lagu magacaabo Sakson Drilling lagana leeyahay dalka Masar ayaa gebi ahaanba raratay qalabkii ka yaalley Puntland, iyadoo sidoo kale goobihii howshu ka socotey ay xiligan yihiin kuwo maran.

Inkasta oo uusan jirin wax war ah oo arintan ku saabsan oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland iyo weliba shirkadda Africa Oil, waxaa hadana ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay Hiiraan Onine u xaqiijiyeen in uu soo idlaaday wejigii koowaad ee baaritaanka Shidaalka dooxada Dharoor.

Wararka ay HOL heshay oo ah kuwo laga soo xigtey qaar kamid ah shaqaalaha mashruucan, waxay intaas ku darayaan in natiijada la gaaray ay tahay mid aad uga yar rajadii la qabay kahor intii aan howsha la bilaabin 16 Jan, 2012.

Ceelka Shabeel-1 oo hoos u qodan in ka badan 3.5km, waxaa baaritaanno  hordhac ah lagu ogaadey in Shidaal loogu tegi lahaa; haddii laga gudbo lakab adag oo dhagax ah (Dhadhaab), dhumucdiisuna ay dhowr boqol oo Miter tahay, kaasoo ay suurtagal noqon weydey in qalabkii markaas la adeegsanayey ay si fudud ku duleeliyaan.

“Wejigii koowaad wuu dhamaaday, waxaa iman doona shirkado kale oo howsha halkaas kasii wadi doona, shirkadda Sakson howsheedu intaas ayey ku ekeyd, shirkado kale oo Riigag waaweyn leh ayaa la filayaa in ay yimaadaan” mid kamid ah hawl-wadeenada mashruucan oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo, ayaa yiri.

Wuxuuna intaas ku daray: “Shabeel-2 oo bilihii u danbeeyey qodaalkiisa lagu howlanaa, islamarkaana la qoday in ka badan dhererka Shabeel-1, waxaa qodaalkiisa la joojiyey kadib markii la waayey calaamad muujineysa in wax Shidaal ah loo tegi doono haddii intaas in ka badan hoos loo sii socdo”

Sanadka soo socda ee 2013 bartamihiisa ayaa lagu wadaa in mashruuca shidaal baarista Puntland loo wareejiyo dooxada Nugaal ee gobolka Nugaal. Dooxadaas oo sahan horay loogu sameeyey lagu ogaaday in keyd shidaal oo badni uu dhex ceegaago.

Mashruuca shidaal baarista Puntland oo in muddo ah soo socdey, dhowr marna hakad galay, kadib markii khilaaf soo kala dhex galay dowladda Federaalka ah iyo Puntland, wuxuu noqday kii ugu horeeyey ee guud ahaan dalka laga bilaabo, wixii ka danbeeyey burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
puntland, Soomaaliya













Click here
11/16/2012 7:57 AM EST
Jimco, November 16, 2012(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gunaanaday tababar la siinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu barayay sidii ay isu badbaadin lahaayeen marka ay ku shaqeynayaan xaaladaha khatarta ah eek a jira dalka gudahiisa.

11/16/2012 7:06 AM EST
Jimco, November, 16, 2012 (HOL) -- Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo wehliyaan xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka howlgala gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

11/16/2012 3:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay waribxin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reutes, taasoo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in la dhoofiyo dhuxusha taalla Kismaayo.

11/16/2012 3:01 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Taliyeyaasha saldhigyaada degmooyinka Xamar Jajab, Xamar-weyne, Waaberi iyo Wardhiigley ayaa loo xiray qaraxii dhawaan ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo khasaare nafeed oo aad u yar dhaliyay.

11/16/2012 2:43 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta inta badan xubnaha golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) isagoo ku tilmaamay dhaarinta wasiirrada tallaabo kale oo horay loo qaaday.

11/16/2012 2:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo labaddii cisho u dambeeyey hawlo shaqo ku joogay magaaladda Boorame ayaa booqday mashaariic kala duwan oo ka socda magaaladda Boorame iyo jaamacadda Camuud.

11/16/2012 2:28 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo beeraley ah ayaa ku dhintay sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal ku dhexmaray deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada hoose kooxo beeraley ah oo ku muransan dhul beereed halkaas ku yaalla.