3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Taliyeyaasha Saldhigyada Booliis Muqdisho qaarkood oo u xir-xiran Qaraxii ka dhacay Bannaanka Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Taliyeyaasha saldhigyaada degmooyinka Xamar Jajab, Xamar-weyne, Waaberi iyo Wardhiigley ayaa loo xiray qaraxii dhawaan ka dhacay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo khasaare nafeed oo aad u yar dhaliyay.

Jen. Axmed Xasan Maalin oo ah taliyaha booliiska gobolka Banaadir oo ka warbixiyay xarigga taliyeyaasha iyo baaritaanno socda ayaa sheegay in baaritaannadu ay meel wanaagsan marayaan, isagoo xusay in gaadiidka waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu soo maray waddooyin ku yaalla degmooyinka ay taliyeyaashooda xireen.

"Afar taliye oo ka tirsan saldhigyada booliiska Muqdisho ayaa loo xiray dhacadaas, baaritaankuna meel wanaagsan ayuu noo marayaa. Raadad kale oo la xiriira arrinta ayaan haynnaa balse ma hordhacayno," ayuu yiri Jen. Maalin oo maanta la hadlay saxaafadda.

Tallaabadan lagu xiray taliyeyaasha saldhigyada booliiska degmooyinka Muqdisho qaar ka mid ah ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo la qaaday, iyadoo baarista lagu sameynayo qaraxa ka dhacay bannaanka hore ee xarunta baarlamaankuna uu noqonayo mid baaritaanno dheeraad ah leh lagu sameynayo.

Qaraxaas oo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada barxadda ay xildhibaannadu gaadiidka dhigtaan, sidoo kale saddex qof oo caruur u badan ayaa iyaguna ku dhaawacmay.

Dhinaca kale, taliyaha booliiska gobolka Banaadira yaa sheegay inay booliiska ay ka wadaan degmooyinka Muqdisho qaarkood baaritaanno kala duwan kuwaasoo lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/16/2012 12:55 PM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Waxaa horraantii bishan aynu ku jirno ee Nov, 2012 si rasmi ah usoo gaba gaboobey hawlihii shidaal baarista ahaa ee ay shirkadda Africa Oil ka waddey ceelalka Shabeel-1 iyo Shabeel-2 ee dooxada Dharoor ee gobolka Bari.

11/16/2012 7:57 AM EST
Jimco, November 16, 2012(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gunaanaday tababar la siinayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu barayay sidii ay isu badbaadin lahaayeen marka ay ku shaqeynayaan xaaladaha khatarta ah eek a jira dalka gudahiisa.

11/16/2012 7:06 AM EST
Jimco, November, 16, 2012 (HOL) -- Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo wehliyaan xubno ka tirsan ku-xigeenadiisa iyo saraakiisha ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka howlgala gobollka Hiiraan ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

11/16/2012 3:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska fogeeyay waribxin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reutes, taasoo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in la dhoofiyo dhuxusha taalla Kismaayo.

11/16/2012 2:43 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta inta badan xubnaha golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) isagoo ku tilmaamay dhaarinta wasiirrada tallaabo kale oo horay loo qaaday.

11/16/2012 2:29 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey oo labaddii cisho u dambeeyey hawlo shaqo ku joogay magaaladda Boorame ayaa booqday mashaariic kala duwan oo ka socda magaaladda Boorame iyo jaamacadda Camuud.

11/16/2012 2:28 AM EST
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo beeraley ah ayaa ku dhintay sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal ku dhexmaray deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada hoose kooxo beeraley ah oo ku muransan dhul beereed halkaas ku yaalla.