3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2012
Dowladda Uganda oo sheegtay inay ka laabatay go'aan ay ciidamadeeda uga saari lahayd dalal ay ku jirto Soomaaliya
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ka laabatay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo ku yaalla Afrika, taasoo ka dhalatay caro ay Uganda ka qaaday warbixin ay guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ku sheegeen in dalalka Uganad iyo Ruwanda ay taageero siiyaan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka Jamhuuriyadda Congo.

Ra'iisul wasaaraha dalka Uganda, Amama Mbabazi ayaa baarlamaanka dalka Uganda u sheegay in la xalliyay khilaafkii sababay inay Uganda ku dhawaaqdo inay kala soo baxayso ciidamadeeda dalalka gobolka oo ay Soomaaliya ku jirto.

"Sababtii aan u go'aansannahay inaan ciidamadeenna uga soo saarno dalal ay ka mid tahay Soomaaliya waxay ahay si aan uga hortagno weerarro kaga yimaada dalka Uganda iyo koox argagaxiso ah oo ay Qaramada Midoobay taageerto," ayuu yiri ra'iisul waasaraha Uganda.

Arrintan ku saabsan in Qaramada Midoobay ay taageerto argagaxiso ayaa muran badan dhalisay, iyadoo lagu sheegay eedeynta Qaramada Midoobay inay tahay mid meel ka dhac ku ah sharciyada caalamiga ah ee ay ku dhisan tahay Qaramada Midoobay.

Dalka Uganda ayaa waxay hoggaaminaysa howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Soomaaliya, iyadoo ay kaga sugan yihiin kumannaan askari oo isugu jira booliis iyo milateriga, waxaana go'aankooda uu walaac weyn geliyay dowladda Soomaaliya.

Inkastoo dowladda Uganda ay ka laabtay go'aankii ay ciidamadeeda uga saaraysay Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayay haddana guddiga baarista ee UN-ku ay ku adkeysanayaan go'aankoodii ahaa in Uganda ay taageerto jahadda M23 ee ka dagaalanta dalka ay dariska yihiin ee Congo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
11/15/2012 9:08 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulanka diimeedkan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda Wadahadalka bulshada ayaa waxaa ka qayb-galay illaa 10 culumaa’udiinka Soomaaliyeed ka mid ah iyagoo kulanooda kasoo saaray qodobbo diiini ah, iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle u laabtaan.

11/15/2012 8:48 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sheegay khudbad uu jeediyay xalay in dowladdu ay si cad ula xisaabtami doonto hay'adaha kala duwan ee maaliyadda, isagoo sheegay in tani ay hordhac inaan lagu takri-falin hantida dowladda soo gasha.

11/15/2012 8:48 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Kulan ay ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ku taageerayaan xukuumadda Soomaaliya ayaa Muqdisho lagu qabtay, iyadoo kulankan ay soo qabanqaabiyeen haya'dda horumarinta haweenka ee IIDA iyo hay'adda Somali Women Agenda SWA.

11/15/2012 6:29 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Sagaal wasiir oo ka mid ah golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee dhawaan uu baarlamaanku ansixiyay ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, waxaana dhaarka ka maqnayd wasiiradda arrimaha dibadda ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo safar dibadeed ku maqan.

11/15/2012 6:27 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay xukuumada cusub ee Soomaaliya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baladweyne.

11/15/2012 5:43 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta xanuun awgiis ugu geeriyooday Muqdisho xilli la doonayay in arrimo caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

11/15/2012 3:10 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) —Guddigii farsamo ee ka socday shirka maamul u sameynta Jubooyinka ayaa gudaha magaalada Kismaayo kulamo gooni-gooni ah kula leh odoyaasha dhaqan beelaha dega Jubooyinka.

11/15/2012 3:03 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowaldda Soomaaliya ayaa uga digtay shacabka inay raacaan gaadiidka muraayadaha madow, gaar ahaan kuwa mara deegaannada ay gobolka Shabeellada hoose ee ay ka taliso dowaldda Soomaaliya.

11/15/2012 2:24 AM EST
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya shalay oo Arbaco ahayd ayaa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamul u sameynta gobollada dalka, wax ka qabashada ammaanka iyo dhoofinta dhuxusha taalla Kismaayo.