3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Boqollaal Qof oo lagu Soo Qabqabtay Howlgallo Maanta ka Dhacay Kismaayo

Khamiis, November 01, 2012 (HOL) —Howlgallo ballaaran oo ay maanta gudaha magaalada Kismaayo ka fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ayay kusoo qabqabteen boqollaal qof oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa HOL u sheegay in howlgalladii maanta lagu qabqabtay boqollaal qof oo u badan dhalinyaro kuwaasoo lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladii maanta ay kusoo qabqabteen ilaa 300 oo qof, kuwaasoo uu xusay in looga shakisanyahay in ay katirsanyihiin Al-shabaab.

Sidoo kale masuulkani ayaa sheegay in qaar kamid ah wadooyinka magaalada ay kasoo saareen Miinooyin lagu aasay kuwaasoo uu xusay in la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka.

Howlgallada maanta ay ciidamada ka sameeyeen magaalada Kismaayo ayaa ah kuwii ugu cuslaa ee ay fuliyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskaambooni tan iyo intii ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi.

Masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo ayaa sheegay in howlgallada aysan ku ekaan doonin maanta oo qura balse ay socon doonaan inta laga xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Tan iyo markii magaalada Kismaayo ay gashay gacanta ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ee iskaashanaya waxa magaalada kusoo badanayay dilal qorsheysan iyo qaraxyo oo aan ilaa imika la garaneyn cidda rasmiga ah ee ka danbeeysa walow saraakiisha dowladda ay ku eedeeyeen Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya

 













Click here
11/1/2012 6:16 PM EST
Magaalada London ayaa waxaa lagu qabtay xaflad lagu maamuusayo sannad guuradii ka soo wareegtay qorista afka Soomaalia. Waxaa warbixintaan noo soo diray Baafo

11/1/2012 2:48 PM EST
Khamiis, November 01, 2012(HOL): War aynu ka helnay ilo diblumaasiyadeed oo aad loogu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu muddada u kordhinayo ciidammada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Africa ka jooga Soomaaliya.

11/1/2012 9:08 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Maxkamada ciidammada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukunno xabsi ah ku ridday sagaal ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab oo ay soo qabqabteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

11/1/2012 7:29 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Iyadoo muran weyn uu ka taagnaa maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka ayaa dowladda Kenya waxay markii ugu horreysay ku dhawaaqday inaysan lug ku lahayn maamul u sameynta gobolladan Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

11/1/2012 7:04 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay xalay ku yeesheen meel ka baxsan xaruntooda New York waxay muddo hal todobaad ah ku kordhiyeen howl-galka ciidamada AMISOM ee ka howgalaya Soomaaliya, iyadoo uu jiro muran ku saabsan xilli kordhinta AMISOM oo u dhexeeya 15-ka dal ee golaha ammaanka.

11/1/2012 6:16 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ay hore uga arimin jireen kadib dagaal xooggan oo ay la galeen.

11/1/2012 4:16 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Howlgallo ballaaran ayaa saaka ka bilowday xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay maanta hawada ka maqantahay guud ahaan isgaarsiintii Degmadaasi.

11/1/2012 3:34 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika ayaa ka dalbaday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, sidoo kalena Soomaaliya laga qaado cunno-qabateynta hubka ee saaraan Soomaaliya, lana adkeeyo xayiraadda lagu soo rogay dhoofka dhuxusha Soomaaliya.

11/1/2012 3:05 AM EST
Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Richard Onyonka ayaa Arbacadii shalay sheegay in 2,700 oo askari oo ka tirsan cidamada Uganda ee qaybta ka ah howgalka Midoga Afrika lagu dilay Soomaaliya tan iyo markii uu howgalkan billowday sannadkii 2007.