4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 1 , 2012
Maamulka Gobolka Bakool ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay in deegaanno dhowr ah ay kala wareegeen Al-shabaab

Khamiis, November 01, 2012 (HOL) — Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Bakool ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah oo ay hore uga arimin jireen oo katirsan gobolkaasi kadib dagaal xooggan oo ay la galeen.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee gobolka Bakool Max’ed Macalim Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duulaan ay saaka ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Degmada Xudur ay u suurogashay in ay kula wareegeen deegaano dhowr ah.

Masuulkani ayaa sheegay in dagaalkii saaka ay Al-shabaab ugu geysteen khasaarooyin lixaad leh, wuxuuna sheegay in dhankooda  aysan jirin khasaaro sidaa u weyn oo kasoo gaaray dagaalka.

Dhanka Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan arintaasi oo kasoo baxay, mana jiraan ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya goobaha ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo weliba khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Ciidamada Itooibya ayaa waxa ay howlgallo baaxad leh ka wadaan inta badan gobollada dalka Soomaaliya ee ay ku suganyihin Al-shabaab.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ayaa sheegay in aysan marnaba joojin doonin dagaallada ka dhan ah Al-shabaab ilaa ay ka saarayaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa ka wado gobollada ay maamulaan ee koonfurta dalka Soomaaliya abaabullo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana Al-shabaab ay hore u shaacisay in dagaalkooda ay u badaleen mid jabhadeyn ah kaasoo ay sheegeen in uu ka khasaare badnaan doono dagaalka tooska.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya