4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Xukuumadda KMG Soomaaliya oo hor-joogsatay shir looga horjeeday dastuurka cusub oo Muqdisho lagu qaban lahaa

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta is-hortaag ku sameysay shir ay Muqdihso ku yeelan lahaayeen siyaasiyiin iyo xildhibaanno kasoo horjeeda dowladda KMG ah, kuwaasoo uu ku jiray Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde).

Shirkan oo ahaa mid lagu doonayay in looga hadlo dastuurka cusub ee ay DKMG ah doonayso inay hirgeliso ayaa wuxuu ka dhici lahaa hoteelka Saxafi ee Muqdisho, ciidammo badan la dhigay hoteelka si looga hortago inuu shirkaas qabsoomo.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku joojinayso shirarka ka dhacaya Muqdisho ee aan lagu soo wargelin, waxaana shirkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay dowladdu joojiso.

Xildhibaannadii iyo siyaasiyiintii shirkan yeelan lahaa ayaa waxay sheegeen inay ku qabsan doonaan maalmaha soo socda mid ka mid ah hoteellada Muqdisho shirkan ay uga horjeedaan dastuurka oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid aanay dani ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hoteelka ayaa lagu arkayay dad badan oo dhooban, iyadoo xildhibaannadu ay inta badan ka hadlayeen dastuurka iyo shirka la joojiyay, waxayna madaxda dowladda KMG ah ku eedeeyeen inay doonayaan inay hirgeliyaan dastuur ay iyagu wataan.

Toddobaadyadan ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayay shirar ay yeelanayaan kooxo kasoo horjeeda dastuurka cusub, iyadoo dowladdu ku tilmaantay kooxahaas inay yihiin kuwo qas-wadayaal ah ayna tallaabo ka qaadi doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya