4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay inaan Muqdisho lagu qaban karin shir aan lagu Wargelin Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aan Muqdisho lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargelin wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Maxamuud Xasan ayaa hadal ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da isagoo sheegay in amarkan uu yahay mid daba socda amar ay horay u soo saareen.

"Wasaaraddu horay ayay u soo saartay goaan ku saabsan inaan Muqdisho lagu qaban karin shirar aysan ka warhayn wasaaradda, taasoo aan uga gol leennahay sidii ammaanka dadka loo ilaalin lahaa, balse ma ahan mid lagu caburiyo dadka shirarka qabsanaya," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirku ma sheegin tallaabada ay ka qaadi doonaan ciddii shir aanay ka warhayn wasaaradda ku qabta Muqdisho, iyadoo amarkii midkan ka horreeyay aanu ka hirgelin magaalada Muqdisho.

Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay kusoo badanayaan Muqdihso shirar looga horjeeda dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo habka uu ku socdo hannaanka dhaqangelinta heshiiska looga baxayo xilliga KMG ah ee Roadmap-ka.

Xukuumadda KMG ah ee ayaa waxay dhowr jeer ku celisay inay ka go'an tahay in dastuurka la ansixiyo sidoo kalena xilliga KMG ah lagu soo gabagabeeyo waqtigii lagu heshiiyay oo ah bisha Ogoosto ee sannadkan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo lagu adkeynayo ammaanka Muqdisho, maadaama uu soo dhow yahay xilligii uu qabsoomi lahaa shirka ansixinta dastuurka KMG ah oo lagu wado in codka loo qaado 15-ka bishan May.

Inkastoo wasiirku uu sheegay inay adag tahay sidii looga hortegi lahaa qof doonaya inuu is-qarxiyo balse ay iyagu xoogga saari doonaan sidii looga hortagi lahaa wax walba oo ammaanka wax u dhimaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya