4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Xoogagga Xarakada Al-shabaab oo la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Goobo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Xoogagga Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Goobo oo ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan gallinkii dambe ee shalay kaddib dagaal muddo kooban socday oo tuuladaas ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna oo halkaas ku sugnaa.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid muddo kooban socday ayna deegaanka la wareegeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo sidoo kale saraakiil ka kala tirsan DKMG ah iyo Ahlusunna ay sheegeen in deegaankaas ay qabsadeen xoogag taabacsan Al-shabaab.

Inta la ogyahay saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa dhintay sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay shan kale, waxaana deegaanka uu weli gacanta ugu jiraa xoogagga Al-shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Farey oo u hadlay dowladda KMG ah ayaa sheegay inay ka faa'iideystay Al-shabaab iyadoo ciidamadii deegaanka ay ku maqnaayeen tababar ay siinayeen ciidamada Itoobiya ee gobolkaas ku sugan.

"Xaaladdu waa daggan tahay, waxaana deegaanka gacanta ku haya ciidamadii la wareegay shalay," ayaa laga soo xigtay qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Goobo oo ka mid ah deegaanno ay muddo dheer ku loolamayeen Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa intiisa badan ka talisa Al-shabaab, marka laga reebo degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas oo ay ka kala taliyaan ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya