4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Safaaradda Soomaalida ee Talyaaniga oo raadineysa magacyada dadka Soomaaliyeed oo ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Malta

Isniin, March 26, 2012(HOL): Safaaradda Soomaaliyeed ee Roma waddanka Talyaaniga waxay ku wargalinaysaa dadka soomaaliyeed in taariikhdu markay ahayd 17/03/2012 ay ciidamada ilaalada badda ee dalka Talyaaniga soo badbaadiyeen saddex doomood oo ku xumaaday badda u dhaxaysa Talyaaniga iyo Malta oo ay saarnaayeen in ka badan 300 muhaajiriin Afrikaan ah oo ay u badnaayeen Soomali, hase ahaatee mid ka mid ah doomahaas ay ku geeriyoodeen dad ka mid ah muhaajiriintaas oo ay sawirradoodu hoos ka muuqdaan, kuwaasi oo illaa iyo hadda aan magacyadooda la aqoosan.
 
Sidaas daraadeed si xog intaas ka badan loo helo waxay safaaraddu ka codsanaysaa dadwaynaha Soomaaliyeed ee garta sawirradan in ay magacyada dadkaas u soo gudbiyaan safaaradda.
 
Wixii macluumaad ah oo ku saabsan arrintaan fadlan noogu soo gudbiya adresskeenna oo ah:
 
Tel:     0039063200898
 Fax:    00390632541832
Email: [email protected]





Hiiraan Online News Desk