4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Ururada bulshada rayidka ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo ku baaqay inay wada shaqeeyaan DKMG ah iyo dadka deegaanadaas
GEDO4.jpg

Isniin, March 26, 2012 (HOL) - Ururrada bulshada rayidka ee ka hawlgala gobollada Gedo iyo Jubbooyinka ayaa ku baaqay inay wada shaqayni dhexmarto DKMG ah ee Soomaaliya iyo dadka deegaanaadaas.

Waxayna ururradani oo ku qabtay shir  hotelka Madina mall ee magaalada Nairobi ay isugu keeneen aqoon yahanno siyaasiyiin, haween iyo madax dhaqameed kasoo jeeda gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

C/risaaq Khaliif Ashkir oo ah gudoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee gobolladaas ayaa warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen ka qaybgalayaasha shirkaas oo ay kaga codsadeen DKMG ah ee Soomaaliya inay qabato kulamo dib u heshiisiineed oo la isugu soo dhawaynayo dadka deegaanadaas.

GEDO2.jpg

Waxaana ay ku dhaliileen dawlada inaysan xil badan iska saarin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta dadka ku dhaqan Gedo iyo Jubbooyinka.

Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Malaysia C/qaadir Burgal oo kamid ahaa dadkii kasoo qaybgalay kulankaas ayaa ku boorriyay dadka deegaanadaas inay midnimadooda adkaystaan.

Waxaana uu sheegay in dawlada Soomaaliya aysan waxba ka hagran doonin deegaanadaas oo ay haatan ka socdaan hawlgallo milatari oo ay dawladu dib ugu qabsanayso.

Dhammaan dadkii kasoo qaybgalay kulankaas oo ku tilmaamay gobolladaas kuwo khayraad uu ilaah ku mannaystay ayaa dhanka kalana tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

GEDO3.jpg
GEDO5.jpg
GEDO6.jpg
GEDO.jpg
GEDO8.jpg
GEDO7.jpg

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya