4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in ciidamada Kenya ay xireen saraakiil Soomaali ah

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Amiin oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay xabsiga dhigeen saddex sarkaal oo Soomaali ah iyagoo la safan hoggaamiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Madoobe.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha Kenya ay ku eedeeyeen kuwa ay xireen ee Soomaalida ah inay ka horyimaadeen qaabka uu ku socdo howlgalka ay sida wadajirka ah uga wadaan Koonfurta Soomaaliya.

"Saddex sarkaal oo Soomaali ah ayaa waxaa maalin ka hor xiray ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbada hoose, waxayna ku xireen xasbi ku yaalla deegaank Qooqaani," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Amiin oo sheegay in amarka xariga uu bixiyay Sheekh Axmed Madoobe.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in saraakiisha la xiray uu ku jiro taliyaha cusub ee ciidamada dowladda Jubbooyinka, Jen. Saxar-diid, iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Kenya.

SIdoo kale, xildhibaan Maxamed Amiin wuxuu ku eedeeyay Sheekh Axmed Madoobe inuu doonayo in isaga ay hoosyimaadaan ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan gobollada Jubbooyinka, balse ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca hoggaamiyaha Raaskambooni.

Dhanka kale, wararka laga helayo gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada DKMG, Kenya iyo xoogagga Al-shabaab ay ka taagan tahay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya