4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sheegay inay diyaariyeen Boqolaal Ciidammo ah oo la dagaalama Burcadbadeedda

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka tirsan deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidammo si gaar ah loo tababaray oo la dagaalama kooxaha burcadbadeedda ah.

Maxamed Cumar Hagafeey oo u hadlay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ka dalbaday AMISOM iyo beesha calaamka inay gacan ku siiyaan howlgalka lagula dagalaamayo burcadbadeedda, isagoo sheegay in haddii iskaashi la helo laga adkaan karo burcad-badeedda.

"Ciidamadan waa 200-askari oo khaas ah oo loo tababaray inay burcadbadeedda kula dagaalamaan barriga, waayo waxaa muuqata in beesha caalamka ay hadda u soo jeesteen in bad iyo barriba lagula dagaalamo burcadbadeedda," ayuu yiri Hagafeey.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale sheegay in maamulkooda uu u arko inay xaq tahay in xilligan lala dagaalamo burcadbadeedda, ayna si iskood ah u diyaariyeen ciidammo, isagoo xusay in dhibaatada ay burcadbadeeddu ku hayso beesha caalamka ay ka badan tahay midda ay ku hayaan deegaannada uu maamulkoodu ka taliyo.

Sidoo kale, Hagafeey wuxuu sheegay in ciidamadan loo sameeyay taliyeyaal cusub oo howlgeliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysan karo in laga adkaado burcadbadeedda dhibaatada ku haya dadka.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Midowga Yurub ay soo saareen go'aan ay ku sheegayaan inay burcadbadeedda kula dagaalamayaan barriga iyo badda, si looga adkaado, iyagoo sheegay in dowladda KMG ah ay la kaashan doonaan arrintan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya