4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 26, 2012
Hoobiyeyaal lagu Weeraray Madaxtooyada Somalia oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah

Isniin, Maarso 26, 2012 (HOL) — Hoobiyeyaal kale oo xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, kaddib markii ay ku dhaceen kaam ku dhow madaxtooyada.

Mid ka mid ah hoobiyeyaasha lagu weeraray Villa Somalia ayaa laba qof oo wiil iyo aabbihii ahaa ku dilay xero barakacayaal oo ku taalla agagaarka Isgoyska Sayidka oo ku dhowr madaxtooyada.

"Hoobiye ayaa xalay kusoo dhacay kaamka waxaa ku dhintay laba qof oo ahaa wiil iyo aabbihii, sideed qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka daggan xeradaas, iyadoo dhaawacyadii ka dhashay duqeyntaasna qaarkood saakay la gaarsiiyay isbitaallada Mudqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr hoobiye ay dul-mareen xerada kuwaasoo u gudbay dhinaca madaxtooyada, inkastoo aanay jirin wax war ah oo kasoo baxay dowladda KMG ah, sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Mana jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan hoobiyeyaasha ah, balse sidan oo kale weerarro hoobiyeyaal ah oo lagu ganay madaxtooyada ayaa Al-shabaab waxay sheegatay mas'uuliyaddooda, waxaana duqeyntaas ku dhintay lix qof oo rayid ah.

Xerada barakacayaasha ee xalay hoobiyeyaashu ku dhaceen ayaa waxaa ku sugan saakay dad badan oo naxsan, kuwaasoo u badan kuwii deggenaa xeradaas oo aan seexay wixii ka dambeeyay markii hoobiyuhu ku dhacay xeradooda.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay weerarro la beegsan doonaan xarumaha dowladda KMG ah oo ay ka mid tahay madaxtooyada, iyadoo ay tani imaanayso xilli madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif uu dhow habeen ku tagay kormeerro ku saabsan sugidda ammaanka degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya