
Axad, Maarso, 25, 2012– Waxaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan wafdi uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan oo ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda KMG.
Wafdiga ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo sidoo kale uu ku wehliyay socdaalkiisa Gen Mukhtaar Xussen Afrax, waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan Beledweyne.
Guddoomiyaha maamulka gobollka C/fitaax Xusseen Afrax ayaa markii uu soo gaaray xarunta maamulka gobollka waxaa uu halkaa kula hadllay warbaahinta, isaga oo sheegay in wixii hadda ka danbeeyay laga shaqeyn doono sidii loo dhameystiri lahaa howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab ee ku wajahan gobollka Hiiraan.

‘’Waxaan Muqdisho u tagnay aan wada hadallo la yeelanayo mas’uuliyiinta dowladda dhexe sida madaxweyne Shariif Shiikh Axmed Ra’iisal wasaare C/wali Max’ed Cali Gaas, balan ayaan soo kala qaadanay in la shaqeeyo loona howlgalo sidii loo dhameystiri lahaa howlgalka ka dhan-ka ah Al-shabaab,’’ ayuu yiri,’’ C/fitaax Xassan Afrax.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhawaan uu soo gaari doono magaalada Beledweyn madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo joogi doona magaalada sida uu hadalka u dhigay mudo todobaad ah.
‘’Waxaa dhawaan iman doona magaalada Beledweyne mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne Shariif Shiikkh Axmed, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, iyo waliba shirkado dhismo ka fulin doona garoonka diyaaradaha, ayuu yiri,’’ C/fitaax Xassan Afrax.
Ugu danbeytii waxaa uu guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan uu tacsi u dirray eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Alle ha u naxariisteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya.