Monday, May 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2012
Mas'uuliyiin uu ka mid yahay Cali Mahdi Maxamed oo ka qaybgalay Aaskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya


Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Madax uu ka mid yahay Cali Mahdi Max'ed ayaa ka qaybgalay aas madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf loogu sameeyay maanta degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo uu ku dhashay.

Marxuumka Yuusuf ayaa wuxuu Jimcihii lasoo dhaafay ku dhintay dalka Imaaraadka Carabta isagoo 78-jir ah, waxaana xubnaha kale ee aaskiisa ka qaybgalay ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxweynaha Soomaaliya, mas'uuliyiinta Galmudug, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno kale oo fara badan.

Sheekh Shariif oo hadlay ayaa sheegay in aaska madaxweynihii hore uu yahay mid Qaran, wuxuuna xusay in dowladda KMG ah ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dayn Qaran ah ee lagu lahaa marxuumka, sidoo kalena ay gacan ka geysan doonaan bixinta daymaha shaqsiga ah ee lagu leeyahay haddii looga maarmi waayo.

"Qof walba waa dhimanayaa, waxaana maanta nala gudboon inaan walaalkeen iska cafinno," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in isaga iyo madaxweynihii dhintay uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan, intii uu isbitaalka ku jirayna uu taleefoonka kula hadli jiray.

Ra'iisul wasaare, C/weli Maxamed Cali ayaa isaguna ka sheekeeyay Taariikhdii Col. Yuusuf, wuxuuna sheegay inuu ahaa muwaadani ku sifoobay wadani jacayl, una hura waqtigiisa sidii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad waarta.

Mas'uuliyiinta kale ee ka qaybgalay aaska ayaa waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cadde Muuse, waxaana xubnihii ka qaybgalay aaska ay dhammaantood u duceeyeen marxuumka.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/25/2012 2:08 PM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL)- Wadadda isku xidha Magaaladda Boorame iyo Jaamacadda Camuud, ayaa laga bilaabay in laga hirgaliyo waddo Laami ah, taas oo ay iska kaashadeen ganacsato reer Somaliland ah, hay’ada Camuud Foundation, Ardayda iyo Maamulka Jaamacadda iyo shacabka reer Boorame.

3/25/2012 1:56 PM EST
Axad, Maarso, 25, 2012– Waxaa galabta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan wafdi uu horkacayo guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan oo ay dhawaan ku dhawaaqday dowladda KMG.

3/25/2012 8:24 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo khudbad jeediyay kaddib aaskii madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa codsaday in garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo loogu magac-daro marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

3/25/2012 8:15 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho kaddib hal todobaad oo ay safar ku joogeen magaalada Baydhabo.

3/25/2012 7:55 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Ururka dhaqaatiirta xirfadleyda xoolaha ee Gobalka Banaadir "Banadir Livestock Professional Association" BANELPA ayaa ka billaabay Muqdisho iyo daafaheeda mashruuc lagu daweynayo 75,000 oo neef oo isugu jira ari iyo ido, kuwaasoo laga daweynayo cudurka khatarta ah ee PPR.

3/25/2012 7:42 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga fulinta ee ururka Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Itoobiya ay la wareegeen deegaanno ay kaga sugnaayeen gobolka Galguduud xoogagga Al-shabaab.

3/25/2012 6:05 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaallka oo ay ka mid yihiin Tangiyo galinkii danbe ee shalay gaareen degmada Dhuusa-mareeb si ay gacan u siiyaan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, waxaa ka bilaawday qeybo badan oo ka mid ah deegaannada bartamaha dalka Soomaaliya xiisado colaadeed iyo xaalado kacsanaan ah oo lala xiriirinayo dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada Itoobiya.

3/25/2012 4:20 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Maydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaa Gaalkacyo halkaasoo lagu wado in lagu aaso, iyadoo madaxda DKMG ah ay ka qaybgalayaan aaska madaxweynihii hore

3/25/2012 1:38 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Galguduud ayaa sheegay in xiisado colaadeed ay halkaas ka taagan yihiin, kuwaasoo u dhexeeya ciidammo Itoobiyaan ah iyo kuwa Ahlusunna oo iskaashanaya iyo xoogagga Al-shabaab.

3/25/2012 1:21 AM EST
Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Diyaarad sidda maydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo salaadda janaasada lagula tukanayo garoonka, markaas kaddibna loo sameyn doono xaflad sagootin ah.