Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Maydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa laga dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaaladaa Gaalkacyo halkaasoo lagu wado in lagu aaso, iyadoo madaxda DKMG ah ay ka qaybgalayaan aaska madaxweynihii hore.
Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa ku sugan xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulkiisa.
Saakay aroortii hore ayaa madaxweynihii hore waxaa xaflad sagootin ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo halkaas lagula tukaday salaaddii janaasada.
Diyaaradda sidday maydka ayaa waxaa ka raacay garoonka Muqdisho wafdi wasiirro ah oo loo xilsaaray qabanqaabada aaskiisa, iyadoo sidoo kale ay la socdeen xubno ka tirsan ehelladiisa oo ay ku jireen caruur uu dhalay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda ayaa iyaguna ka dhoofay Muqdisho si ay uga qaygalaan aaska Qaran ee loo sameynayo madaxweynihii geeriyooday.
Col. C/llaahi Yuusuf oo ku dhintay da’da 78-jir ayaa wuxuu muddo xanuun sababada ka asiibay u jiifay isbitaal ku yaalla magaalada Abuu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku geeriyooday jimcihii lasoo dhaafay.
Marxuumka oo ku dhashay Gaalkacyo oo lagu wado in manta lagu aaso ayaa wuxuu ahaa aasaasihi maamulka Puntland, sidoo kale wuxuu madaxweyne kasoo noqday Soomaaliya muddo afar sano, inkastoo uu isku casilay cadaadis caalami ah oo la saaray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya