Axad, Maarso 25, 2012 (HOL) — Diyaarad sidda maydka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa soo cago-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo salaadda janaasada lagula tukanayo garoonka, markaas kaddibna loo sameyn doono xaflad sagootin ah.
Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha, waxaana sidoo kale ku sugan guddigii loo saaray qabanqaabada aaska, kuwaasoo lagu wado inay maydka u raacaan degmada Gaalkacyo oo lagu aasi doono.
Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Axmed Gaboobe oo ka hadlay garoonka ayaa sheegay in loo duceeyo maydka si Alle uu ugu dambi-dhaafo, maadaama uu yahay qof dhintay oo ducada inta nool.
"Nin weyn baa dhintay, qofka muslimka ah marka ay nafta ka baxdo isaga iyo Allihii abuuray ayay ka dhexeysaa wixii uu geystay. Dadka muslimiinta ah ee dunida jooga waxaa ka codsanaynaa inay cafiyaan," ayuu yiri Sheekh Axmed Gaboobe.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu salaadda janaasada tujiyo dadka ku tukanaya, markaas kaddibna waxaa lagu wadaa in ciidamada qalabka ay salaamaan maydka.
Ehelladiisa qaarkood ayaa la socda maydka iyadoo sidoo kale uu diyaargarowe la doonayo in lagu aaso maydka uu ka socdaa degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo uu ku sugan yahay madaxweynaha Puntland iyo xubno dowladdiisa ka tirsan.
Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo muddo afar sano ah madaxweyne kasoo ahaa Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhintay Jimcihii lasoo dhaafay isbitaal ku yaalla Abuu-Dubai oo ka tirsan dalka Imaaraadka Carabta oo xanuun awgiis uu yaallay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya