Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2012
Xukuumadda Soomaaliya oo wadda qorshe ay ku sugayso Ammaanka Muqdisho kaddib weerarro Ismiidaamin ah

Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay Khamiistii in ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib weerarro uu dhiig badan ku daatay oo ay Al-shabaab ka dambeysay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab oo isaga baxday Muqdisho sannadkii hore dhammaadkiisa, kadddib markii ay culeysyo milateri kala kulantay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa DKMG ah.

Saraakiil ka tirsan guddiga ammaanka Qaranka ayaa sheegay inay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan ay uga hadleen sidii lagu joojin lahaa weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso caasimadda, kaasoo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Soomalaiya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenno ka hor ka dhacay weerarro hoobiyeyaal ah oo lala bartilmaameedsaday madaxtooyada taasoo ay ku dhinteen dad shacab ah, waxaana sheegatay mas'uuliyadda weerarradaas Al-shabaab.

Weerarradan ayaa waxay sababeen in madaxweynaha Soomaaliya uu markii ugu horreysay billaabo booqashooyin uu ku tagayo saldhigyo iyo degmooyin ka tirsan Muqdisho si uu u hubiyo habka loo sugayo ammaanka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay Talaadadii lasoo dhaafay inay xoojinayso weerarrada ay ka geysanayso Muqdisho, gaar ahaan xarumaha dowladda iyo saldhigyada AMISOM, iyagoo shacabka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobahaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/23/2012 3:01 PM EST
Friday, March 23, 2012 (HOL) - Geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ayaa si isku mid ah waxaa uga tacsiyeeyay madaxda Soomaalida.

3/23/2012 3:24 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha saldhigga degmada Xudur oo ay la wareegeen shalay ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

3/23/2012 3:11 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa Tacsi u diray ciidanka ammaanka Somaliland iyo ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay taliyihii ciidanka booliska Somaliland oo shalay subax ku geeriyooday magaalada Abu-Dabia ee dalka Imaaraadka Carabta.

3/23/2012 3:05 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madfac la tuuro iyo ciidammo shisheeya aan lagu soo celin karin ammaanka Muqdisho, balse loo baahan yahay in bulshadu iska kaashato nabadda.

3/23/2012 2:54 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM si dhaqo ah loo geyn doono gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna soo dhaweeyay la wareegista ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

3/23/2012 1:25 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee saakay oo Jimco ah.