Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2012
Madaxweynaha Somaliland oo ka Tacsiyadeeyey Ciidanka Booliska Geeriddii ku Timid Taliyahooddii oo maanta Geeriyooday

Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa Tacsi u diray ciidanka ammaanka Somaliland iyo ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay taliyihii ciidanka booliska Somaliland oo shalay subax ku geeriyooday magaalada Abu-Dabia ee dalka Imaaraadka Carabta.

"Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Ammaanka JSL, gaar ahaan Ciidanka Booliska JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska MARXUUM, GENERAL MAXAMED SAQADHI DUBAD oo ku geeriyooday ABU-DABAI, 22/03/2012, isagoo general-ku in muddo ahba halkaa u joogay Xaalad Caafimaad," ayaa lagu yidhi Qoraal Tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynah.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Amaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Jen. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa laba jeer Taliye usoo noqday Ciidanka Booliska Somaliland,waxaanu ahaa marxuun dadaal badan oo aan habeenkii Seexan, isagoo inta badana habeenkii lagu arki jiray dariiqyadda laamidda, isagoo gaadhi u gaar ah wata kaligii, isla markaana kormeer ku mari jiray Askarta habeenkii la dhigo Isgoysyadda wadooyinka oo lagu arki jiray isagoo kor meer ku jira, mararka qaarkood waxa lagu arki jiray isagoo kaalinta Ciidamadda Nabadgalyadda wadooyinka ku jira oo kala hagaya Gaadiidka xilliyadda duhurka ah ee waddooyinku xidhiidhiga noqdaan, waxaanu ahaa marxuum dadaal badan oo dhacdo kasta oo dhaca goob joog ah.

Alla ha u naxariistee Marxuunkan ayaa ahaa khabiir ciidamadda muddo dheer ku jiray, waxaanu jagooyin kala duwan ka soo qabtay ka hor burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, isagoo 1969 markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md:Cabdirashiid Cali Sharmaarke lagu Dilay Laascaanood ee gobolka Sool uu ahaa taliyihii gobolkaasi, waxaanu ilaa hadda ka hor inta aanu god-galin ku jiray ciidamadda Booliska oo uu dib u dhiskooda ka shaqaynayey, mudadii uu taliyaha ahaana waxa lagu xasuusan doonnaa horumarkii uu gaadhsiisay Ciidanka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen: Saqadhe ayaa muddo dhawr bilood ah xanuunsanayey, waxaanu ku maqnaa dhakhtar dibadeed si loo daweeyo xanuunkaasi.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland





Post your comments

3/23/2012 3:01 PM EST
Friday, March 23, 2012 (HOL) - Geerida ku timid madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku dhintay isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta ayaa si isku mid ah waxaa uga tacsiyeeyay madaxda Soomaalida.

3/23/2012 3:36 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay Khamiistii in ay waddo qorshe ay ku sugayso ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib weerarro uu dhiig badan ku daatay oo ay Al-shabaab ka dambeysay.

3/23/2012 3:24 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayaa ku dhintay qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha saldhigga degmada Xudur oo ay la wareegeen shalay ciidamada dowladda KMG ah oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

3/23/2012 3:05 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madfac la tuuro iyo ciidammo shisheeya aan lagu soo celin karin ammaanka Muqdisho, balse loo baahan yahay in bulshadu iska kaashato nabadda.

3/23/2012 2:54 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM si dhaqo ah loo geyn doono gobollada Bay iyo Bakool, wuxuuna soo dhaweeyay la wareegista ay la wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

3/23/2012 1:25 AM EST
Jimco, Maarso 23, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa'id ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee saakay oo Jimco ah.