Saturday, May 25, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2012
Warsaxaafadeed Shirkii golaha Wasiirada 22ka bishan Maaso

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
Khamiis, Maarso 22, 2012

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Wasiirada Amniga oo ka warbixiyey xaaladda amniga ayaa sheegay in xasilinta Muqdisho iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab ay si fiican u socdaan. Hoobiyeyaashii lala beegsanayey shacabka maalmihii la soo dhaafay in laga hortagay lana soo qabtay 18 ruux oo ay baaris ku socoto, isla markaana Hay’adaha Amniga ay rondo joogto ah sameeyaan. Sidoo kale hay’adaha amniga waxey ku guuleysteen inay ka hortagaan falal argagaxiso oo shacabka lagu waxyeeli lahaa. Golahu waxey ku ammaaneen ciidankii ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyo lagu waxyeeli lahaa shacabka, kuna dhiiri geliyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga.

Wasiirka Dastuurka, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa golaha siiyey warbxiin ku wajahan horumarka ballaaran ee laga sameeyey dhameystirka qabyo-qoraalka dastuurka oo uu sheegay inay socdaan wadatashiyo lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee bulshada, lana gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka.

Ugu danbeyntii, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha soo hordhigay Xeerka Isgaarsiinta oo uu horey golaha Wasiirada ugu qeybiyey 16kii Febraayo. WAsiirku waxuu sheegay in xeerkan uu nidaaminayo howlaha isgaarsiinta dalka, oo tartan iyo adeeg hufan ay heli doonaan shacabka Soomaaliyeed. Xeerkan waxuu abuurayaa Hay’ad Madaxbannaan oo aqon iyo xirfad isgaarsiin u leh howlaha isgaarsiinta. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey si aqlabiyad ah u ansixiyeen Xeerka Isgaarsiinta. Wasiirka ayaa ansixinta ka dib u mahadceliyey golaha una ballanqaaday in Wasaaraduu ay dar-dar gelineyso dhaqangelinta Xeerkan cusub.





Post your comments

3/22/2012 10:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

3/22/2012 9:36 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Kismaayo ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mamanuucayo gabi ahaanba ka ganacsiga qaadka oo ay dad fara badani noloshoodu ku tiirsanayd.

3/22/2012 8:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labadii habeen ee ugu dambeysay kormeerro ku marayay degmooyinka Muqdisho qaaarkood ayaa sheegay inuu arkay ciidammo diyaar u ah inay ilaaliyaan ammaanka shacabkooda iyo midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

3/22/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray.

3/22/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan degmada KMG ah oo maanta ka dhacay degmgada Wadajir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii u dagaalku u dhexeeyay.

3/22/2012 7:38 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo Todobaadyo ka hor magan u ahaa qaraxyo is xig xigay iyo weeraro xiliyada habeenkii lagu soo qaado magaalada, waxaa ay hadda dareemayaan Isbadal dhinaca nabad-galyada ah, kadib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo iskaashanaya xooga saaraan sugida amaanka magaalada.

3/22/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.

3/22/2012 6:49 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ciidammo aad u tiro badan oo Kenyan ah isla markaasna ku qalabeysan Taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ayaa saaka soo buux-dhaafiyay soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka gobollada Jubooyinka.

3/22/2012 2:18 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallo la furto DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ula hadlayaan sidii dal ay walaalo yihiin.

3/22/2012 2:07 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax gallinkii dambe ee shalay ka dhaacay degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan kuwa DKMG ah.