.JPG)
Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.
Sida uu HOL u sheegay Shariif Findhig Fiidow oo ah mas’uulka NGO-ga HICDO oo howshan fulisay ujeedada olaha nadaafadeed ayaan ahaa mid la xiriira xuska maalinta biyaha aduun-ka oo maanta oo kale laga xuso dunida, isaga oo intaa ku darray in ay malintan ay ku maamusayaan fulinta olaha lagu nadiifinayo magaalada.
‘’Dabcan marka la eego nadaafada iyo biyaha saameyn muuqata ayeey isku leeyihiin, haddii aysan nadaafad jirin micnuhu waa biyo nadiif ahna ma jiraan, sidaa daraadeed waxaan doorbidnay in aan olale nadaafadeed ka fulino guud ahaa xaafaddaha ay magaaladu ka kooban tahay ayuu yiri,’’ Shariif Findhig.
Sidoo kale waxaa talaabadan soo dhaweeyay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada, gaar ahaan guddoomiyayasha xaafadaha kala gadisan ee magaalada, kuwaasoo sheegay in aad ugu baahnaayeen cid ka gacan siisa nadaafada.
.JPG)
‘’Waxaan ku faraxsannahay olalahan ka socda xaafadda aan mas’uulka ka ahay, waayo nadaafada waa qeyb weyn oo ka mid ah nolasha Bani’aadamka waan u mahad celineynaa mas’uuliyiinta howshan wada,’ ayuu yiri’’ Cujub Khaliif oo ah guddoomiyaha xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale waxaa iyana jirta in qaar ka mid ah ceelasha ku yeela magaalada loogu deeqay ama la siiyay dawo ‘’kolariin’’ si loogu hagaajiyo saxada biyaha dadkuna u helaan biyo nadiif ah.
.JPG)
.JPG)
.JPG)
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya.