Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.
Degmadan oo 450-km dhinaca Galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa noqonaysa tii saddexaad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kala wareegaan xoogagga Al-shabaab tan iyo bishii Diseember ee sannadkii hore.
Xoogaggii Al-shabaab ayaa isaga baxay degmadaas gallinkii dambe ee shalay kaddib markii uu duleedka degmadaas ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay iyaga iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itoobiya.
"Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa gudaha u soo galay degmada, xalaaddu waa daggan tahay," ayuu yiri goobjooge ku sugan Xudur oo sheegay in ganacsiga oo dhan uu xiran yahay, sidoo kalena dadka ku haray degmada ay guryahooda ku jiraan.
Bishii lasoo dhaafay dhammaadkeeda ayay ahayd markii ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya ay la wareegeen degmada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay kaddib markii xoogaggii Al-shabaab ay si nabad ah uga baxeen degmadaas.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan ka bixitaankooda degmada Xudur iyo la wareegista ciidamada dowladda KMG ah, waxaase tani ay qayb ka tahay dadaallo ay dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada dalka ku sugan ay ku doonayso inay kula wareegto gobollada ay Al-shabaab ku sugan tahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya