Thursday, June 20, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2012
Ciidammo fara badan oo Kenyaati ah oo saakay lasoo dhoobay Soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya

Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ciidammo aad u tiro badan oo Kenyan ah isla markaasna ku qalabeysan Taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ayaa saaka soo buux-dhaafiyay soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka gobollada Jubooyinka.

Ciidamadan katirsan Militariga Kenya oo qaarkood ay keenayeen diyaarado nooca Hlicopterska loo yaqaan ayaa saaka lagu arkay halka loo yaqaan Xaarxaarka oo 7km u jirta deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamadani ay qeyb ka yihiin ciidamo ay dowladda Kenya Dhawaan ballan qaaday in ay ku biirineyso xoogagga AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Ciidamadan cusub ee saaka loo soo daadgureeyay dhanka Soomaaliya ayaa la sheegay in guutooyinkoodii ugu horeeyay ay ku kala baxeen wadooyinka kala aada dhanka Degmada Afmadow iyo Badhaadhe, halkaasoo ay ku yaallaan saldhigyo ay leeyihiin ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ee dagaalka kula jira Xarakada Al-shabaab.

Dowladda Kenya oo ay ciidamadeedu soo galeen Soomaaliya bishii Oktoobar ee sanadkii tagay si ay ula dagaalamaan xoogagga Al-shabaab, ayaa dhawaan kamid noqotay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya





Post your comments

3/22/2012 10:41 AM EST
Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.

3/22/2012 10:14 AM EST
Khamiis, Maarso, 22, 2012 (HOL) – Olale nadaafadeed oo ay ka qeyb-qaadanayeen ku dhawaad 300 ruux oo u badnaa haween ayaa maanta laga fuliyay afarta xaafadood oo ay ka kooban tahay magaalada Beledweyne.

3/22/2012 9:36 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Maamulka Xarakada Al-shabaab ee Kismaayo ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mamanuucayo gabi ahaanba ka ganacsiga qaadka oo ay dad fara badani noloshoodu ku tiirsanayd.

3/22/2012 8:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo labadii habeen ee ugu dambeysay kormeerro ku marayay degmooyinka Muqdisho qaaarkood ayaa sheegay inuu arkay ciidammo diyaar u ah inay ilaaliyaan ammaanka shacabkooda iyo midka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

3/22/2012 8:12 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Tan iyo intii xilka laga Qaaday Wasiirkii hore Maaliyadda Somaliland, Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, Waxay Dadweynaha ku dhaqan Somaliland hadal hayeen sababta looga qaaday xilka wasiirkaasi, maadaama oo uu yahay wasiirkii Miisaaniyadda kor u qaaday, isla markaana danyarta Somaliland ka daayey lacagtii dugsiyadda laga qaadi jiray.

3/22/2012 8:02 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay ciidammo kawada tirsan degmada KMG ah oo maanta ka dhacay degmgada Wadajir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay askartii u dagaalku u dhexeeyay.

3/22/2012 7:38 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne oo Todobaadyo ka hor magan u ahaa qaraxyo is xig xigay iyo weeraro xiliyada habeenkii lagu soo qaado magaalada, waxaa ay hadda dareemayaan Isbadal dhinaca nabad-galyada ah, kadib markii ay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa maamulka gobollka Hiiraan oo iskaashanaya xooga saaraan sugida amaanka magaalada.

3/22/2012 7:24 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ilo wareedyo ku sugan degmada Xudur ayaa u xaqiijiyay HOL in cutubyo ka tirsan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen xarunta gobolka Bakool iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah.

3/22/2012 2:18 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ku sugan dalka Belgium ayaa sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadallo la furto DKMG Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inay ula hadlayaan sidii dal ay walaalo yihiin.

3/22/2012 2:07 AM EST
Khamiis, Maarso 22, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qarax gallinkii dambe ee shalay ka dhaacay degmada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan kuwa DKMG ah.