Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2012
Madaxweynaha maamul goboleedka Mareeg State oo Uganda ka billaabay safarro uu kula kulmayo madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya


Jimco, Friday, March 16, 2012(HOL): Madaxweynaha maamul goboleedka Mareeg state Dayib Maxaned Sheikh Axmed oo socdaal shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa bilaabay kulamo uu caasimada Kampala kula qaadanayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Uganda iyo safiirada halkaasi ku sugan, wuxuuna Madaxweynaha Maamul-goboleedka Mareeg State oo safarkiisan uga war bixinayay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi uu sheegay in safarkiisani uu yahay lugtii koowaad ee kulamo uu maamulkiisu la yeelanayo madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliye ee kala ah Uganda, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti.

 

Waxaa kale oo uu  sheegay in maamul-goboleedkoodu ay mas’uuliyiinta dalalkani ka wada hadlayaan arrimo ay ka mid yihiin sidii loo xaqiijin lahaa in isbedelka xilliga kala guurka ee ay Soomaaliya uga baxeyso hanaanka dowladeed ee Ku Meel Gaarka ah uu u noqon lahaa mid ku dhaca sidii loogu talo-galay, islamarkaana loo soo dhisi lahaa dowlad loo dhan yahay oo ku dhisan aqoon, karti iyo daacadnimo, wuxuuna dhinaca kale xusay iney jiraan qorshayaal la doonayo in waqti kooban gudahood dalka Soomaaliya looga sifeeyo dhamaan maliishiyada kooxda Al-shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida taasoo uu sheegay in maamul-goboleedkeeduna ay usoo diyaargaroobeen iney kaalin mug leh ka qaataan dagaalka lagu cirib-tirayo haraadiga kooxda Al-shabaab.

 


Madaxweyne Dayib oo dadweyne kala duwan ay si diiran ugu soo dhoweeyeen garoonka caalamiga ah ee Kampala ayaa  Mas’uuliyiinta dowladda Uganda iyo Jaaliyadda Soomaalida ka sokow halkaasi kulamo kula qaatay qaar ka mid ah safiiradda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin safiiradda Mareykanka iyo Ethiopia, wuxuuna sidoo kale sheegay iney jiraan qaar kale oo uu safiiradooda kulamo la qaadan doono muddada gaaban ee uu joogayo dalka Uganda, kuwaasi oo uu sheegay iney dhamaantood ka wada hadli doonnaan arrimo la xariira Soomaaliya, gaar ahaan qorshayaasha siyaasadeed ee maamul-goboleedkooda iyo sida ay u arkaan xalka Mushkiladda Soomaaliya.

 

Mudane Dayib  oo magaca maamulka uu madaxda ka yahay ee Mareeg State si goob-joognimo ah ugu matalayay shirkii London ee 23-ka Bishii February ayaa dhinaca kale sheegay in xaaladda xilliga kala guurka ee Soomaaliya loo baahan yahay in taxadir badan loo yeesho, wuxuuna arrin aad looga naxo ku tilmaamay in xaaladda murugeed ee ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed ay misana weli jiri karaan dad yar oo ku fekiraya iney dhiciseeyaan rajada usoo bidhaantay Soomaaliya.

 


Madaxweynaha Mareeg State, Dayib Maxamed Sheekh ayaa sheegay in lugta xigta ee socdaalkiisa uu tegi doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo uu xusay iney mas’uuliyiin iyo xubno kala duwan oo ka tirsan maamulka Mareeg State ay ka wadaan shaqooyin kala duwan oo ay ugu muhiimsan tahay sidii Al-shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada ay weli ku sugan yihiin haraadigoodu, isagoo kadibna halkaasi uga sii gudbi doonna dalalka Jabuuti iyo Ethiopia oo uu sheegay inuu madaxdooda casuumaad ka helay iyo dalka Kenya oo la filayo inuu kusoo gaba-gabeyn doono socdaalkiisani.

 

Magaaladda Kampala ayaa waxaa haatan ka socota qaban-qaabo loogu jiro kulan-weyne uu madaxweyne Dayib halkaasi kula qaadan doono qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida, kulankaasi oo ay qaban-qaabadiisu ku howlan yihiin beesha Muddulood ee uu kasoo jeedo Madaxeynaha Mareeg State.







Post your comments

3/16/2012 3:04 PM EST
Abaalmarino la guddoonsiiyey ardayda waxkabarata dugsiyada xaafadda CAMDEN ee magaalada London. Ladan Suleyman ayaa noqotay gabarta gashay kaalinta kuwaad ee dugsiyada xaafadda Camden

3/16/2012 4:00 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Maymuun Muxyadiin Maxamed waxay jeclayd inay ku oroddo isla markaana ku ciyaarto kubadda cagta wadooyinka Muqdisho, balse waxay sheegtay inay u diideen isboortiga xoogaga Al-shabaab, markaasna ay go'aanstay inay u qaxdo dalka Jabuuti.

3/16/2012 3:29 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Laba qarax oo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta ayaa xalay ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaas oo aan la sheegin khasaare ay geysteen.

3/16/2012 3:23 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Shiradda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa gallinkii dambe ee Khamistii shalay deeq-lacageed u qaybisay qoysaska ciidamada naafada ee ku jira isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

3/16/2012 3:04 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay aroortii hore ka ruuqaansaday fariisimo ay ku lahaayeen degmada Kaaraan oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla iyagoo gaaray meelo ka baxsan caasimadda.

3/16/2012 12:29 AM EST
Waxaa maanta gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Carab Ciise Xayd oo ka mid ahaa ganacsatada iyo siyaasiinta rug cadaaga ah ee caanka ah sida weynna looga yaqiinay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.