Saturday, May 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2012
Qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo Ciidamada Dowladda oo Baaritaanno ka sameeyay halkaas

Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Laba qarax oo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta ayaa xalay ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaas oo aan la sheegin khasaare ay geysteen.

Bambooyinkan ayaa waxaa lagu weeraray fariisimo ay ciidamada DKMG ah ku lahaayeen xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo ciidamada dowladdu ay markiiba sameeyeen baaritaanno.

"Qaraxyada mid ka mid ah wuxuu ka dhacay meel ku dhow bankiga Baydhabo, mana jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen," ayuu yiri sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan oo ku sugan degmada Baydhabo.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen lana wado baaritaanno lagu raadinayo, iyadoo qaraxyadan ay qayb ka noqonayaan falal ammaan-darro oo ka taagan degmadaas tan iyo markii ay bishii hore la wareegeen ciidamada dowladda KMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya.

Goobjoogayaal ku sugan Baydhabo ayaa iyaguna u sheegay HOL in qaraxyadu ay dhaceen xalay fiidkii, ayna ahaayeen laba qarax oo si weyn loo maqlay, iyagoo aan sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen.

Degmada Baydhabo ayaa waxay dhowr toddobaad gacanta ugu jirtaa ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo isgarabsanaya kaddib markii ay si nabadgalyo ah uga baxeen xoogaggii Al-shabaab oo muddo saddex sano ka talinayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/16/2012 3:04 PM EST
Abaalmarino la guddoonsiiyey ardayda waxkabarata dugsiyada xaafadda CAMDEN ee magaalada London. Ladan Suleyman ayaa noqotay gabarta gashay kaalinta kuwaad ee dugsiyada xaafadda Camden

3/16/2012 7:51 AM EST
Jimco, Friday, March 16, 2012(HOL): Madaxweynaha maamul goboleedka Mareeg state Dayib Maxaned Sheikh Axmed oo socdaal shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa bilaabay kulamo uu caasimada Kampala kula qaadanayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Uganda iyo safiirada halkaasi ku sugan.

3/16/2012 4:00 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Maymuun Muxyadiin Maxamed waxay jeclayd inay ku oroddo isla markaana ku ciyaarto kubadda cagta wadooyinka Muqdisho, balse waxay sheegtay inay u diideen isboortiga xoogaga Al-shabaab, markaasna ay go'aanstay inay u qaxdo dalka Jabuuti.

3/16/2012 3:23 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Shiradda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa gallinkii dambe ee Khamistii shalay deeq-lacageed u qaybisay qoysaska ciidamada naafada ee ku jira isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

3/16/2012 3:04 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay aroortii hore ka ruuqaansaday fariisimo ay ku lahaayeen degmada Kaaraan oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla iyagoo gaaray meelo ka baxsan caasimadda.

3/16/2012 12:29 AM EST
Waxaa maanta gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Carab Ciise Xayd oo ka mid ahaa ganacsatada iyo siyaasiinta rug cadaaga ah ee caanka ah sida weynna looga yaqiinay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.