Thursday, May 23, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 16, 2012
Ciidamada DKMG iyo kuwa AMISOM oo saakay ka Ruuqaasaday Waqooyiga Muqdisho iyo dagaallo xalay dhacay

Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay aroortii hore ka ruuqaansaday fariisimo ay ku lahaayeen degmada Kaaraan oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku taalla iyagoo gaaray meelo ka baxsan caasimadda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in saakay aroortii hore ay ciidamadu billaabeen inay ka guuraan saldhigyadooda ayna gaaraan deegaanno ay ka mid yihiin Gubadley, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Al-shabaab.

"Ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxay saakay ka guureen fariisimo ay ku lahaayeen Kaaraan iyadoo aysan dhicin wax dagaallo ah, balse rasaas ayaa laga maqlayay deegaanka Gubadley," ayuu yiri goobjooge ku sugan Kaaraan.

Saraakiisha dowladda DKMG ah ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay gaareen meelo ka baxsan caasimadda Soomaaliya, iyagoo aan la kulmin wax iska caabin marka laga reebo iska horimaadyo aan badnayn.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin dhaqaaqa ay ciidamadoodu saakay aroortii hore sameeyeen, waxaana tallaabadan ay qayb ka noqonaysaa isballaarin ay tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii hore ka wadeen Muqdisho Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Midowga Afrika.

Al-Shabaab ayaa ka hadlin dhulka ciidamadooda saakay sida fudud looga qabsaday balse waxay horay u sheegeen inay xeelado dagaal uga baxeen qaybo badan oo ka mid ah Muqdisho.

Dhanka kale, dagaallo culus ayaa xalay ku dhexmaray duleedka xaafadda Suuqa ee degmada Huriwaa ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, lamana oga khasaaraha ka dhashay dagalkaas.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ku dhow ka baxsan Muqdisho ee dhinaca degmada Balcad xiga ayaa sheegay inay maqlayeen huguka madaafiicda iyo rasaasta ay labada dhinac isdhaafsanayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

3/16/2012 3:04 PM EST
Abaalmarino la guddoonsiiyey ardayda waxkabarata dugsiyada xaafadda CAMDEN ee magaalada London. Ladan Suleyman ayaa noqotay gabarta gashay kaalinta kuwaad ee dugsiyada xaafadda Camden

3/16/2012 7:51 AM EST
Jimco, Friday, March 16, 2012(HOL): Madaxweynaha maamul goboleedka Mareeg state Dayib Maxaned Sheikh Axmed oo socdaal shaqo ku jooga dalka Uganda ayaa bilaabay kulamo uu caasimada Kampala kula qaadanayo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka Uganda iyo safiirada halkaasi ku sugan.

3/16/2012 4:00 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Maymuun Muxyadiin Maxamed waxay jeclayd inay ku oroddo isla markaana ku ciyaarto kubadda cagta wadooyinka Muqdisho, balse waxay sheegtay inay u diideen isboortiga xoogaga Al-shabaab, markaasna ay go'aanstay inay u qaxdo dalka Jabuuti.

3/16/2012 3:29 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Laba qarax oo loo adeegsaday bambooyinka laga tuuro gacanta ayaa xalay ka dhacay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kuwaas oo aan la sheegin khasaare ay geysteen.

3/16/2012 3:23 AM EST
Jimco, Maarso 16, 2012 (HOL) — Shiradda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa gallinkii dambe ee Khamistii shalay deeq-lacageed u qaybisay qoysaska ciidamada naafada ee ku jira isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

3/16/2012 12:29 AM EST
Waxaa maanta gobolka Minnesota ee wadanka Mareykanka ku geeriyooday Allaha u naxariistee Carab Ciise Xayd oo ka mid ahaa ganacsatada iyo siyaasiinta rug cadaaga ah ee caanka ah sida weynna looga yaqiinay bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.