Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 26, 2012
Dadweynaha Somaliland oo si iskaa-wax-u-qabso ah Jidad laami ah kaga hirgaliyey Gobollada iyo Magaalooyinka Qaarkood
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Labaddii sano ee u dambeeyey ayaa dadweynaha Somaliland ku baraarugeen inay iskood u samaystaan wadooyinka deegaanadoodda, si ay horumarka, ganacsiga iyo isku xidhnaanta magaalooyinkoodu u fududaato.
Dadka soomaalidda oo ah dad inta badan isku dayday oo hadba waxa jira uun la jaanqaada una baahan baraarujin ayaa sanadihii u dambeeyey wadooyin isku xidha magaalooyinka aan wadada fiican lahayn bilaabay, isla markaana intooddii badnayd ku guuleysteen inay si fiican ugu hirgasho wadooyinkaasi, iyagoon cid kale tageero ka helin.
Dadweynaha Awdal ayaa wadadii ugu horaysay ka bilaabay jidka isku xidha magaaladda Boorame iyo magaaladda Dilla oo 28 KM dhan, taas oo dadweynuhu aad ugu rafaadi jireen,maadaama oo wadada laamida ahi ku joogto degmadda Dilla, sidaa darteed, waxay dadweynahaasi ku fikireen inay inta ka dhimana oo ah 28 KM ay qabyo tiraan oo ay hadda 16 KM dhamaystiray.
Sidoo kale, waxa iyana lagu xigsiiyey oo ganacsato reer Hargeysa ahi bilaabeen waddo kale oo iyana aad u raf ahayd oo buuro leh oo ku taalla waqooyiga Hargeysa oo ah wadada tagta Jabuuuti oo isku xidhi doonta Hargeysa iyo Jabuuti oo loo yaqaan Dawga-Cad, waxaanay guddi isku xilqaamay dhisidda wadadaasi ka hirgaliyeen waddo laba haad ah oo meeshii ugu darnayd ee baabuurtu ku qalabi jirtay ka bilaaabeen, iyadoo wadadaasi hore u galaafatay dad badan, maadaama oo waddo hal dariiq ah oo aan baabuurtu iskaga gudbi Karin ahayd.
Sidoo kale, mashaariicdaas iska wax u qabsadda lagu hirgaliyey deegaanadoodda ayaa noqday mid si weyn looga faa’iiday, kuwaas oo dadkii ku abuuray tartan ku dhex mara horumarka deegaanadoodda, waxaanay deegaan waliba iskii uga fikiray inuu jid laami ah samaysto, waxaana tartankaasi ka dhashay wadooyin ay ka mid yihiin ta laga waddo degmadda Oodweyne, Burco Ilaa Hargeysa, Balligubadle iyo Hargeysa, Salaxley iyo Hargeysa, Togwajaale iyo Tuuladda Kala Baydh ee gobolka Gabiley, iyo wadada laga waddo Gobolka Sanaag.
Sidoo kale, waxa iyana tartan kale ka bilaabmay magaalooyinka dhexdooda oo laga hirgaliyey wadooyinka cusub oo ay isla kaashanayaan dawladaha hoose ee magaalooyinka waaweyn iyo dadweynaha magaalooyinkaasi, waxaana jidadka magaalooyinka laga hirgaliyey hormood u ahaa dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafadaha magaaladda Hargeysa oo dhexdoodda tartan la galiyey, iyadoo saddexdii biloodba xaafad Hargeysa ka mid ahi intay lacag urursato ku darsata qorshaha laami laga hirgaliyo xaafadoodda, iyadoo aad arkaysay mudooyinkii u dambeeyey laami cusub oo magaaladda Hargeysa dhexdooda laga hirgaliyey oo intoodda badan ay iska ururiyeen dadweynaha, dawladda hoosana wax ku darsatay oo ay ka caawisay qalabka iyo gaadiidka lagu samaynayo jidadkaasi.
Waxa ku xigtay magaaladda Berbera oo noqotay magaalada ugu hirgalinta badan xaga wadooyinka, bil kasta laga sameeyo waddo cusub, waxa iyana ku xigtay magaalada Boorame oo laga hirgaliyey dhismayaal wadooyin cusub oo aanay hore u lahayn jirin, magaaladda Gabiley ayaa iyana laga hirgaliyey wadooyin cusub oo aanay cidi ka caawin inkastoo imika hakad ku yimid sidii xilka looga qaaday Maayarkii hore ee Khadra X. Gaydh oo iyadu ah maayarka kaliya ee magaaladaasi ka hirgalisay wadooyinka iyo waxqabad la taaban karo oo ilaa hadda dadweynaha reer Gabiley xasuusan yihiin waxqabadkeeddii.
Jidadkan magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa magaalooyinka dibadda ah ba waxay noqotay mid tartan galisay magaalooyinka iyo goboladda aan hore wadooyin fiican u lahayn, iyadoo dadweynuhu iska soo ururiyaan lacago lagu hirgaliyo deegaanka ay ka soo jeedaan sidii looga samayn lahaa waddo laami ah, xaafadaha magaalooyinka dhexdoodda ayaa iyaguna tartanka ka maqnayn oo xaafad xaafad u tartamaya.
Tartamadda lagu tartamayo horumarinta deegaanadda ayaa ah tusaale fiican oo lagu daydo, isla markaana haddii ay dadka soomaalidu heli lahaayeen madax wanaagsan oo ku dhiirigaliya iska wax u qabsada dadweynaha wax badan qabsan lahaayeen oo aanay fadhiga ku sugayn in wax loo qabto.
Waxa iyana xusid mudan in mashaariicda horumareed aanay dawladda Somaliland waxba ku darsanin, marka laga reebo balanqaadyo iyo meelaha qaar oo aanay wax aan badnayn ku darsatay, inkastoo wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi miisaaniyadda Qaranka u daray wadooyinkaasi socday in la badhitaaro oo dawladu lacag ku darsato si loo dhiirigaliyo dadweynaha, haseyeeshee dadweynaha ayaa guddi ay ku kalsoon yihiin oo u badan culimo ay iska soo xuleen ku aaminay lacagta lagu hirgalinayo jidadkaasi, isla markaasna guddidaasi dadweynaha tusaan lacagtoodii halka ay ku baxday taasina ay keento inay dadweynuhu ku dhiiradaan inay lacago kale oo badan ugu deeqaan guddida si loo dhamaystiro wadooyinkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha ayaa loo baahan yahay in lagu dhiirigaliyo inay wadaan mashaariicdan horumineed ee ay deegaankoodda ka wadaan, isla markaana cashuuraha laga qaado wax loogu qabto si ay cashuurta ku waajibtay iyo mid dheeraad ahba u bixiyaan.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo shaqada ka joojisey Dhakhaatiirta ka hawlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
7/26/2012 10:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012-Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa soo saartay amar si kumeel gaar ah shaqada looga joojinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
Bannaanbax lagu dalbanayo inay xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo Ogoosto lana qabto doorasho xalaal ah oo Muqdisho ka dhacay
7/26/2012 8:32 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu dalbanayo in xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo 20-ka bisha Ogoosto ee soo sannadkan iyo in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.
Ciidamada AMISOM oo lagu wado inay dhammaadka bishan si rasmi ah ula wareegaan sugidda ammaanka Baydhabo
7/26/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugna Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay tageen bishii Abriil ee sannadkan.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo lagu shaaciyay in Gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol
7/26/2012 7:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo ku taariikheysnayd 23-kii bishan oo aan weli saxaafadda loosoo bandhigin ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo lagu kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare.
Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain: "Waan soo Dhaweynayaa Warbixinta kooxda la-socodka Arrimaha Soomaaliya"
7/26/2012 6:56 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha Afrika ee Birtain, Henry Bellingham ayaa soo dhaweeyay warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ay kasoo saareen Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida looga qabo in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daah-furnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meel-gaarnimada lagu soo gebagebeeyo waqtigii loogu talo-galay.
Isbitaalkii ugu horreeyay oo la dhagax-dhigay Deegaanka Beer-gadiid oo ka tirsan gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRRO)
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Deegaanka Beergadiid oo qiyaastii 48km u jira magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan ayaa la dhagax-dhigay markii ugu horeysay Isbitaal ay yeelanayaan bulshada ku dhaqan deegaannkaas oo dhibaato xoog leh ku qaba dhinaca adeega caafimaadka.
Qarammada Midoobay oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.
Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maalintii galay iyadoo laga doodayo Qodobbada Dastuurka Cusub
7/26/2012 5:02 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Shirweynihii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad galay iyadoo ergadu ay ka doodayso qodobbada dastuurka, inkastoo aysan awood u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan.
Somali News
UK troops in Somalia 'aiding Africa Union force'
-
BBC
7/26/2012 10:04 AM EST
The UK has established a small military presence in Somalia, the British Ministry of Defence has confirmed.
Bomb scare in Nairobi
-
Daily Nation
7/26/2012 8:14 AM EST
Police have forced open an abandoned briefcase at a busy bus stage in Nairobi suspected to have contained a bomb.
UK Minister for Africa welcomes Somalia and Eritrea Monitoring Group report
-
HOL
7/26/2012 8:10 AM EST
Minister for Africa welcomes the Somalia and Eritrea Monitoring Group report, and emphasises the need to make further progress in promoting transparency in Somalia and in ensuring the Transition is completed on time:
The Humanitarian Forum urges international humanitarian community to take action for Somalia and Yemen
-
Reuters Alert Net
7/26/2012 8:04 AM EST
The humanitarian situation in Yemen and Somalia remains alarming and, if the humanitarian community does not take urgent action then we could see a repeat of the horrors of 2011. Problems must be solved in the home communities, even if access is difficult.
UAE stresses full support to counter piracy
-
Gulf Today
7/26/2012 8:01 AM EST
The United Arab Emirates has stressed its full support to develop the capacity of Somali national forces, especially its coast guard following the end of the transitional period in August with the aim of countering piracy off the Coast of Somalia.
Hamilton fashion show raising money for Somalia
-
CBC
7/26/2012 7:59 AM EST
The Living Rock is holding its 10th annual fashion show, and this year's event will raise money for World Vision relief efforts in Somalia.
War-torn Somalia’s assembly convenes to debate constitution
-
AFP
7/26/2012 7:56 AM EST
A special assembly tasked with voting on a new constitution for war-torn Somalia convened for the first time Wednesday, as the corruption-riddled government approaches the end of its mandate next month.
AFM Special Duties training team supports EUTM Somalia
-
Gozo News
7/26/2012 7:51 AM EST
The Armed Forces of Malta recently deployed a three-person infantry training team consisting of members of C (Special Duties) Company to the European Union Training Mission to Somalia (EUTM Somalia) which is based in Uganda.
SOMALIA: The Final Offensive
-
Strategy Page
7/26/2012 7:27 AM EST
The UN investigators are proving embarrassing to Somali and Kenyan leaders. Both countries are reported to be very corrupt, even to extent to keeping known Islamic terrorist supporters (usually leading clerics) out of jail in Kenya and leading to leaders of the TNG (Transitional National Government) of stealing 70 percent of the foreign aid sent to Somalia over the last few years.
China calls for further coordination on Somalia piracy
-
Xinhua
7/26/2012 7:25 AM EST
The international community should strengthen its coordination and cooperation on the Somalia piracy issue, a Chinese diplomat has said.
UN: Somalia Transition at ‘Decisive Phase’
-
VOA
7/26/2012 7:20 AM EST
The United Nations Security Council says Somalia's transition is at a “decisive phase” and must be completed by August 20.