Hiiraan Online
Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, July 26, 2012
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo lagu shaaciyay in Gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo ku taariikheysnayd 23-kii bishan oo aan weli saxaafadda loosoo bandhigin ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo lagu kala ah: gobolka Hiiraan oo xaruntiisu ay noqonayso Baladweyne iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntisu ay noqonayso degmada Buuloburte.
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG ah, C/samad Macallin Maxamuud ayaa soo jeediyay in gobolkaas laba loo qaybiyo, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol tan iyo markii ay Soomaaliya xorowday.
"Dadaallo muddo dheer oo soo socday kaddib waxaa lagu guuleysatay in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol," ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo ahaa hormuudka xubnihii dadaalka ugu jiray in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol oo maanta HOL kula hadlay Muqdisho.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu u cuskaday tallaabadan qodobka 39-aad farqadiisa labaad ee Axdiga KMG ah iyo qodobbo quseeya xeerka maamullada gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya oo soo kala baxay sannadihii 1980-kii iyo 1984-kii.
"Sannadkii 1998-kii ayay soo billowdeen dadaallada lagu doonayay in gobolkaas looga dhigo laba gobol, waxaana gobolka Hiiraan uu ahaa gobolka keliya ee aan loo qaybin laba tan iyo markii ay Soomaaliya ahayd sideedda gobol, taasna waxaan u aragnay inay cadaalad-darro tahay," ayuu yiri xildhibaan Xabeeb.
Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in soohdimaha degmooyinka labadan gobol dib laga sixi doono, waxaana gobolka Hiiraan uu ka koobnaanayaa 12-degmo, halka gobolka Shabeellada sare uu ka koobnaan doono sagaal degmo oo keliya.
Xildhibaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in sannadkii lasoo dhaafay ay xoojiyeen dadaalka gobolka Hiiraan laba loogu qaybinayo ayna ku guuleysteen ugu dambeyn 23-kii bishan oo wareegtada arrintan lagu caddeynayo ay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Gobolka Hiiraan ayaa wuxuu ka mid ahaa lixdii gobol ee ay ka koobnaayeen gobollada Koonfurta Soomaaliya lana sameeyay sannadkii 1948-kii, waxaana sidoo kale uu ka mid noqday siddeeddii gob ol ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ka koobnayd markii la xoroobay sannadkii 1960-kii, iyadoo gobolkan aan weligiis la qaybin.
"Anigoo ku hadlaya magaca reer hiiraan iyo guddigii howshan ila waday waxaan mahadcelin u diraynaa madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macallin Maxamuud oo go'aankan taariikhiga ah qaatay. Waxaana tani ay noqonaysaa in gobollada Hiiraan iyo Shabeellada sare ay buuxiyeen shuruucda dalka u degsen ee lagu sameyn karo maamul goboleed," ayuu yiri xildhibaan Ibraahim Xabeeb.
Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu sheegay in dadaalladan ay soo wadeen qaar ka mid ah xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan iyo shacabka reer Hiiraan, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid aad loogu farxo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
Wasaaradda caafimaadka ee Puntland oo shaqada ka joojisey Dhakhaatiirta ka hawlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
7/26/2012 10:27 AM EST
Khamiis, July 26, 2012-Wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa soo saartay amar si kumeel gaar ah shaqada looga joojinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee ka howlgala goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay.
Bannaanbax lagu dalbanayo inay xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo Ogoosto lana qabto doorasho xalaal ah oo Muqdisho ka dhacay
7/26/2012 8:32 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah ka dhacay dibadbax lagu dalbanayo in xilliga KMG ah lasoo gabgabeeyo 20-ka bisha Ogoosto ee soo sannadkan iyo in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah.
Ciidamada AMISOM oo lagu wado inay dhammaadka bishan si rasmi ah ula wareegaan sugidda ammaanka Baydhabo
7/26/2012 8:16 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ee ku sugna Baydhabo oo 100 askari ka kooban ayaa waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan sugidda amniga degmada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasoo ay tageen bishii Abriil ee sannadkan.
Dadweynaha Somaliland oo si iskaa-wax-u-qabso ah Jidad laami ah kaga hirgaliyey Gobollada iyo Magaalooyinka Qaarkood
7/26/2012 7:55 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Labaddii sano ee u dambeeyey ayaa dadweynaha Somaliland ku baraarugeen inay iskood u samaystaan wadooyinka deegaanadoodda, si ay horumarka, ganacsiga iyo isku xidhnaanta magaalooyinkoodu u fududaato.
Wasiirka Arrimaha Afrika ee Britain: "Waan soo Dhaweynayaa Warbixinta kooxda la-socodka Arrimaha Soomaaliya"
7/26/2012 6:56 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha Afrika ee Birtain, Henry Bellingham ayaa soo dhaweeyay warbixinta kooxda la-socodka arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea ay kasoo saareen Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida looga qabo in horumar dheeri ah laga sameeyo kor-u-qaadista daah-furnaanta Soomaaliya iyo in la hubiyo in Ku-meel-gaarnimada lagu soo gebagebeeyo waqtigii loogu talo-galay.
Isbitaalkii ugu horreeyay oo la dhagax-dhigay Deegaanka Beer-gadiid oo ka tirsan gobolka Hiiraan (DAAWO SAWIRRO)
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Deegaanka Beergadiid oo qiyaastii 48km u jira magaalada Baladweyne oo xarunta gobolka Hiiraan ayaa la dhagax-dhigay markii ugu horeysay Isbitaal ay yeelanayaan bulshada ku dhaqan deegaannkaas oo dhibaato xoog leh ku qaba dhinaca adeega caafimaadka.
Qarammada Midoobay oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonto kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya
7/26/2012 5:04 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay shirweynaha ansixinta dastuurka ee shalay oo Arbaco ahayd ka furmay Muqdisho, iyagoo ku goodiyay inay tallaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaadka caqabadda ku ah nabadda, ammaanka iyo deggenahaashaha Soomaaliya, xitaa haddii laga gudbo xilliga KMG ah.
Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Soomaaliya oo maalintii galay iyadoo laga doodayo Qodobbada Dastuurka Cusub
7/26/2012 5:02 AM EST
Khamiis, July 26, 2012 (HOL) — Shirweynihii ansixinta dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad galay iyadoo ergadu ay ka doodayso qodobbada dastuurka, inkastoo aysan awood u lahayn inay wax ka bedel ku sameeyaan.
Somali News
UK troops in Somalia 'aiding Africa Union force'
-
BBC
7/26/2012 10:04 AM EST
The UK has established a small military presence in Somalia, the British Ministry of Defence has confirmed.
Bomb scare in Nairobi
-
Daily Nation
7/26/2012 8:14 AM EST
Police have forced open an abandoned briefcase at a busy bus stage in Nairobi suspected to have contained a bomb.
UK Minister for Africa welcomes Somalia and Eritrea Monitoring Group report
-
HOL
7/26/2012 8:10 AM EST
Minister for Africa welcomes the Somalia and Eritrea Monitoring Group report, and emphasises the need to make further progress in promoting transparency in Somalia and in ensuring the Transition is completed on time:
The Humanitarian Forum urges international humanitarian community to take action for Somalia and Yemen
-
Reuters Alert Net
7/26/2012 8:04 AM EST
The humanitarian situation in Yemen and Somalia remains alarming and, if the humanitarian community does not take urgent action then we could see a repeat of the horrors of 2011. Problems must be solved in the home communities, even if access is difficult.
UAE stresses full support to counter piracy
-
Gulf Today
7/26/2012 8:01 AM EST
The United Arab Emirates has stressed its full support to develop the capacity of Somali national forces, especially its coast guard following the end of the transitional period in August with the aim of countering piracy off the Coast of Somalia.
Hamilton fashion show raising money for Somalia
-
CBC
7/26/2012 7:59 AM EST
The Living Rock is holding its 10th annual fashion show, and this year's event will raise money for World Vision relief efforts in Somalia.
War-torn Somalia’s assembly convenes to debate constitution
-
AFP
7/26/2012 7:56 AM EST
A special assembly tasked with voting on a new constitution for war-torn Somalia convened for the first time Wednesday, as the corruption-riddled government approaches the end of its mandate next month.
AFM Special Duties training team supports EUTM Somalia
-
Gozo News
7/26/2012 7:51 AM EST
The Armed Forces of Malta recently deployed a three-person infantry training team consisting of members of C (Special Duties) Company to the European Union Training Mission to Somalia (EUTM Somalia) which is based in Uganda.
SOMALIA: The Final Offensive
-
Strategy Page
7/26/2012 7:27 AM EST
The UN investigators are proving embarrassing to Somali and Kenyan leaders. Both countries are reported to be very corrupt, even to extent to keeping known Islamic terrorist supporters (usually leading clerics) out of jail in Kenya and leading to leaders of the TNG (Transitional National Government) of stealing 70 percent of the foreign aid sent to Somalia over the last few years.
China calls for further coordination on Somalia piracy
-
Xinhua
7/26/2012 7:25 AM EST
The international community should strengthen its coordination and cooperation on the Somalia piracy issue, a Chinese diplomat has said.
UN: Somalia Transition at ‘Decisive Phase’
-
VOA
7/26/2012 7:20 AM EST
The United Nations Security Council says Somalia's transition is at a “decisive phase” and must be completed by August 20.