Hiiraan Online
Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Axad, July 22, 2012
Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland oo sheegay in la boobay dhulkii Garoonka Diyaaradaha Burco, amarna ku bixiyey in loosoo celinayo
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland oo hogaaminayo wefti iskugu jira, wasiiro iyo xildhibaano, ayaa olole bannayn ah ka bilaabay garoonkii diyaaradaha ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaas oo muddo badan aan shaqayn.
Wasiirka ayaa ciidamo aad u xoog badan oo iskugu jira boolis iyo Milatari u adeegsaday hawlgalkaasi sidii ay uga rari lahaayeen dad badan oo guryo ka samaystay dhulkii uu lahaan jiray garoonka diyaaradaha ee Burco, waxaanu sheegay in faqiir iyo taajirba aan loo kala eegeyn dadka dhulkan garoonka degay ee guryaha ka dhistay, balse dhamaantood laga wada rari doono.
Dadkan degay qaybo badan oo ka mid ah dhulkii garoonka ayaa waxa iskugu jiray dad dan yar ah iyo dad wax haysta oo guryo dhismayaal ah ka dhisay, waxaanu wasiirku sheegay in aanu cidna ka yeelayn inay guryo ka dhisato dhulkii garoonka diyaayaradaha ee magaaladda Burco.
“Waxaanu shaqadeedii bilawnay in aanu calaamadino Xuduudaha Dhuleed ee Madaarka Magaalada Burco leeyahay,Madaarkanina maaha dhul Cusub oo iminka la yagleelayo waa mid soo jireen ah waa madaarka ugu guunsanaa madaarada Somaliland ee dawladii ingiriisku dhistay”:ayuu yidhi wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay dadkan ay ka rarayaan dhulkan uu hore u lahaan jiray garoonka diyaaraduhu, waxaanu intaasi ku daray “ Dhulkan maanta la dhistay ee la Boobay ee la bililaqaystay waa dhulkiisii, Waxaanan leeyahay reer Burco ma suuroobayso in dhulkii madaarkana la Baloodhaysato madaarna uu noqdo taasi ma aqbalidoono ” ayuu raaciyey wasiirku, waxaanu sheegay inuu dayr ku wareejin doonno dhulka madaarka, isla markaana ka dhigi doono madaar caalami ah.
Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud, Badhassabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir,Maayirka Burco Maxamuud Axmed Xasan,Xildhibaano iyo madax kale ayaa iyaguna ka hadlay hawlgalkan ciidanka lagu saaray inay dadkaasi ka raraan dhulkan, iyagoo sheegay in sharci daro lagu degay isla markaana imika laga rarayo dadkaasi.
Meeshan laga rarayo dadka ayaa qaarkood soo degay labaatankii sano ee u dambeeyey, iyagoo guryo waaweyna laga dhistay, haseyeeshee dadkan ayaa xoog lagu raray iyadoo loo adeegsaday ciidamadda kala duwan ee amniga.
Dhinaca kale, Wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Imaaraadka carabta ayaa hawlo caafimaad ka bilaabay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanay markiiba bilaabeen kormeer ay ku eegayaan xaaladda caafimaad ee gobolkan iyo dadka bukaan jiifka ah ee cisbitaalka ku jira, waxaanay sheegeen inay qalab casri ah oo ay ku wareegi doonaan ilaa tuulooyinka gobolku ka kooban yahay soo qaadan doonaan marka ay dhamaystay xogtooda, iyagoo xusay in dadka ay wadanka gudihiisa wax kaga qaban waayaan u qaadi doonaan Imaaraadka carabta.
Agaasimah Cusbitaalka Magaalada Burco Cabdiqaadir Xaaji Muuse, ayaa Weftigan warbixin ka siiyey cisbitaalka guud ee magaaladda Burco iyo qaybihiisa kala duwan ee uu ka kooban yahay, waxaanu u mahadnaqay weftigan dhakhaatiirta ah ee hawlaha caafimaad u yimid gobolkoodda.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Munaasabad lagu maamuusayay xoojinta Af-Soomaaliga Qoran oo lagu qabtay London (DAAWO SAWIRRO)
7/22/2012 6:37 PM EST
Axad, July 22, 2012(HOL) Bandhig isugu jiray soo bandhigid buugaag ay qoreen abwaanno dalkeenna sida aadka ah looga qadderiyo oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibrahim Hadraawe iyo Mustafa Sheekh Cilmi.
Ururka PSA oo deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey maxaabiista ku jirta xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso [SAWIRO]
7/22/2012 11:08 AM EST
Axad, July 22, 2012(HOL) — Ururka dhalinyarada iyo horumarinta arimaha bulshada Puntland (PSA) ayaa maanta deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).
Guddoomiye dhawaan ay DKMG u Magacaawday Maamulka Degmada Baladweyne oo baaq u diray Hay'addaha Samafalka
7/22/2012 9:07 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha dhawaan dowladda KMG Soomaaliya u soo magacaawday maamulka degmada Baladweyne, Xuseen Ibraahim Cabdi (Gurey) ayaa markii ugu horreysay baaq u diray hay’addaha samafalka ka howlgala magaalada.
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo markii ugu Horreysay lagu qabtay Imtixaan loogu Tartamayo deeq waxbarasho
7/22/2012 8:39 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 22-sano ka hor waxaa maanta lagu qabtay imtixaan loogu tartamayo deeq waxbrasaho.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo gargaar afurin ah gaarsiisay Maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee Muqdisho
7/22/2012 8:36 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa waxay maanta gargaar afurin ah gaarsiisay maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdihso iyadoo gargaarkaas lagu wareejiyay taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil iyo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta DKMG ah, Axmed Xasan Gaboobe.
Mudaaharaadayaal Muslimiin ah iyo Ciidamada Booliiska Itoobiya oo Iskahorimaad uu ku dhexmaray Waqooyiga Addis Ababa
7/22/2012 8:07 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iskahorimaad ku dhexeeyay dibadbaxayaal muslimiin ah iyo booliiska Itoobiya ayaa shalay oo Sabti ahayd ka dhacay waqooyiga Addis Ababa oo ah xarunta dalka Itoobiya, inkastoo iskahorimaadkaas uusan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah, haddana waxay booliisku xireen tiro dibadbaxayaasha ka mid ahaa.
Iskahorimaad ka dhacay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Xiisado ka taagan Jubbooyinka
7/22/2012 7:42 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda KMG ah ku dhexmaray Magaalada Muqdisho
7/22/2012 6:53 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Qof haweeney ah ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Axad ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo Dowladdu ay dhawaan magacowday oo maanta gaaray Degmada Guriceel
7/22/2012 4:23 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Galguduud ay dowladda KMG toddobaadkii hore u magacowday gobolkaas, Yuusuf Xasan Ciyoow iyo xubno wehlinaya ayaa saakay ka dagay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne fara badan.
AMISOM oo sheegay in ciidamadooda iyo kuwa DKMG ah ay hub ka heleen Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo
7/22/2012 3:59 AM EST
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay maanta oo Axad ah ayay ku sheegtay in ciidamadooda ka socda dalka Kenya iyo kuwa DKMG ah ee ku sugan gobolka ay hub ka heleen saldhig ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka Tarako ee gobolka Gedo, aroortii hore ee Salaasadii lasoo dhaafay.
Somali News
Mogadishu hosts football tournament
-
Hurriyet
7/22/2012 6:10 PM EST
A football tournament has been organized between the offices of regional sub-governors at the Ankara Stadium, built by the Turkish Red Crescent Aid Society in Mogadishu, Somalia.
Al-Shabab executes 3 members
-
AP
7/22/2012 6:05 PM EST
MOGADISHU, Somalia — Somalia’s most powerful terrorist group publicly executed three of its members Sunday, accusing them of spying on the militants for U.S. and British intelligence agencies.
Dahabshiil denies Anonymous behind cyber-attack
-
News.com
7/22/2012 2:59 PM EST
DAHABSHIIL, the international funds transfer company based in the Middle East, says Anonymous was not responsible for the attack on its banking systems.
Al-Shabaab threatens to undertake massive destruction over Ramadan
-
Newstime Africa
7/22/2012 8:27 AM EST
Nairobi Police boss warns that the Somalia militia group Al-Shabaab has issued fresh warnings of plans set to undertake terror attacks during the Holy month of Ramadhan that is expected to kick off today.
Somalia: Yemeni carrying explosives, apprehended by Puntland port police
-
GO
7/22/2012 8:24 AM EST
Puntland police forces with the help of the Alula community in Bari region, intercepted a boat carrying explosives and weapons bound to Somalia from Yemen, Radio Garowe reports.
Two suspects arrested in Kitale in possession of grenades
-
Daily Nation
7/22/2012 7:32 AM EST
Two suspected terrorists in possession of two hand grenades have been arrested in Kitale, police say.
Pentagon eyes drones for Kenya to fight militants nearby
-
Reuters
7/22/2012 7:28 AM EST
The Pentagon is seeking to send hand-launched drones to Kenya as part of a $40 million-plus military aid package designed to help four African countries fight al Qaeda and al Shabaab militants, notably in Somalia, the Wall Street Journal reported.
Somalian ruins greet Ramadan
-
New Straits Times
7/22/2012 7:26 AM EST
SUFFERING: More than a million internally displaced citizens are housed in refugee camps in war-torn Somalia
Rescued Taiwan fishing vessel arrived in Tanzania
-
China Daily
7/22/2012 7:22 AM EST
26 rescued Taiwan fishing vessel Xufu 1 crew members, escorted by a Chinese navy warship, arrived in Dar es Salaam, the capital of Tanzania on Saturday morning.
Kenya: We are on a high terror alert – police
-
Capital FM
7/22/2012 7:16 AM EST
The police department has reiterated that Kenya will not relent in its war against terrorism and pointed out that no amount of threats or methods employed will cow Kenyans.
Dahabshiil denies Anonymous behind cyber-attack
-
NEWS
7/22/2012 7:12 AM EST
DAHABSHIIL, the international funds transfer company based in the Middle East, says Anonymous was not responsible for the attack on its banking systems.
For Somali women, new horrors follow close behind famine
-
Alaska Dispatch
7/22/2012 7:06 AM EST
When a drought became famine here last year, hundreds of thousands of people bundled together what few belongings they had and began to walk, either across the border or toward Mogadishu, searching for food.
Caafimaadka Soonka - Dr. Cismaan Xaraare
-
SomaTV
7/22/2012 3:16 AM EST
Dr. Cismaan Xaraare (East African Health Project) ayaa ka warbixinaya caafimaadka uu leeyahay Soonka
Ethiopian police clash with Muslim protesters, several arrested
-
Reuters
7/22/2012 2:57 AM EST
ADDIS ABABA (Reuters) - Ethiopian police clashed on Saturday with scores of Muslims protesters complaining that the state is interfering in their religion, witnesses and officials said.