12/18/2014
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Abwaan Mustafa Shiikh Cilmi oo buug uu qoray ku soo bandhigay Sweden



Talaado, July 03, 2012(HOL): Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay DAL MASIIBO DABBAASHAY DAREEN HOY U AHAADAY ayaa lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada hayeeshee ay ka dhex muuqdeen aqoon yahanno ,macallimiin, Fannaaniin iyo qorayaal Soomaaliyeed ayaa ugu horreyntiiba waxaa hadalka furay Qoraa sare Yuusuf Hassan oo mahadcelin u soo jeediyey Abwaanka sida wanaagsan ee suugaantiisa uu u gaarsiiyey bulshadda iyo qeybtii wanaagsaneyd oo uu ka soo qaatey wacyigelinta bulshada in qeyb ka mida suugaantiisa la soo bandhigana ay tahay mid aan la illoobi karin timidna xili loo baahnaa.

Kaddib waxaa microofanka lagu soo dhaweeyey Abwaan Mustafe Sh Cilmi isagoo si kooban uga hadlay taariikhdiisa xiligii uu fanka ku soo biiray iyo halka uu ka soo galay,sidoo kale wuxuu Abwaanku cadeeyey in suugaantiisa oo dhan aan lagu soo koobi karin buug oo qura balse tani ay tahay qeyb ka mid ah. Waxa uu Abwaanku farta ku fiiqey in buuggani aysan ku jirin suugaantii ka hadleysey jaceylka iyo waddaniyadda balse uu ka hadlayo dhacdooyinkii soo marey dalka wixii ka dambeeyey 1978dii iyo wixii uu abwaanku ka tiriyey.


Mar Abwaanku uu ka jawaabayay su’aal la weydiiyey oo ahayd sababta ku dhalisey in uu buuggaan soo saaro waxana uu yiri “Maadaama uu dalkii ku dhacey burbur xoog leh in ka badan labaatan sano aysanna jirin meel keydisa suugaanta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagama maarmaan ila noqotey in aan qoro buugaan waxaana la sugaayey waqtiga ugu habboon oo hadda ayay noqotey fikraddana waxa igu caawiyey dad badan”. Dhanka kale Abwaanku wuxuu ka jawaabey su,aalo dhowr ah oo la weydiiyey isagoo halkaas ka tiriyay gabayo dhowr ah oo ku qornaa buuga.

 Waxaa halkaas lagu shaaciyey in buugaan laga heli karo caalamka dhammaan meelaha lagu iibiyo buugaagta iyo Maktabadaha intaba. Mas,uuliyiintii soo Abaabushey iyo dadweynihii ka soo qeybgaleyba waxey isla wada garteen in markale la sameeyo kulan aad u weyn oo lagu soo bandhigi doono buugaan iyadoo sidoo kale lagu soo dari doono bandhigga buugaagta ee lagu qabto Dalka Sweden.








Post your comments

7/2/2012 5:51 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Munaasibad lagu xusayay 1-da July oo ah maalintii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, isla markaasina ay israaceen gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu u badan tahay wadanka Mareykanka.

7/2/2012 1:57 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( International Contact Group ICG ), waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamullada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameec. Shirkani waxaa uu furmay 2-dii duhurnimo waxaana uu socon doonaa mudo laba cisho ah.

7/2/2012 8:59 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Danjirihii Mareykanka ee dalka Itoobiya, David Shinn ahna siyaasi ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa soo dhaweeyay wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay kuwo meesha ka saari kara khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay.

7/2/2012 8:53 AM EST
Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

7/2/2012 8:17 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Xaafadda gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay maydadka laba haween ah oo la dilay, kuwaasoo la sheegay inay wateen ukun fara badan.

7/2/2012 8:13 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Dowladda KMG, maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 17-qof ayna ku dhaawacmeen 50-qof iyo afduubyada shaqaalaha gargaarka.

7/2/2012 7:41 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Siminnaarkan oo ay ka qaybagleen 150 haween ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliya UYS iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay ku jireen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda DKMG ah.

7/2/2012 7:25 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu taageerayay murashaxnimada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas isla markaana lagu taageerayay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii halka sano ahayd ee ay shaqeynaysay.

7/2/2012 5:03 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha u tagaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka qaybgalayay xaflad loo qabtay xuska 1-da Luuliyo ayaa sheegay in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka weyn yihiin olole loo isticmaalo doorasho.

7/2/2012 4:37 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garansanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

7/2/2012 4:09 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadlay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay Isniinta maanta ah in howgal ay si wadajir ah xalay u sameeyeen kusoo furteen afar ruux ajnabi ah kuwaasoo saddex maalmood ka hor laga afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

7/2/2012 2:49 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Shirkii shanaad ee guddida haga arrimaha duulista Soomaaliya (Steering Committee) ayaa lagu qabtay magaalada Montreal ee xaruunta hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO (International Civil Aviation Organization) 28-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun.