4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Roma ka furmay


Isniin, July 02, 2012(HOL): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga  shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( International Contact Group ICG ), waxaana  shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamullada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameec. Shirkani waxaa uu furmay 2-dii duhurnimo  waxaana  uu socon doonaa mudo laba cisho ah.

Waxaa shirka furay wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi waxaana uu kaga hadlay khudbaddiisa horumarka dhan kasta leh oo ka socda Soomaaliya kaasoo ay hormuud ka tahay dowladda KMG ah  iyadoo garab ka helaysaa wadadamada ku bahoobay urur Gobleedka IGAD iyo midowga Africa. Waxaa kale oo wasiirka ku soo hadal qaaday xariirka soo jireenka ah oo ka dhaxeeya dowladda Talyaaniga iyo Soomaaliya isagoona goobta ka caddeeyey in Talyaanigu la garab taagan yahay shacabka Soomaalyeed taageero dhinac kasta leh.

Ra’iisul Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ka soo jeediyay shirka  khudbad aad u qiimo badan isagoo ka warbixiyey guulaha is-daba joogga ah ee ay gaareen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom, waxaana Ra”iisul wasaare Gaas sheegay in bishii la soo dhaafay ay gacanta dowladda ku soo noqotay degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ah meelo aad muhiim ugu ah isu socodka gobollada dalka.

Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaruhu sheegay in dowladdiisa meel gabagabo ah marinayso qodobadii ku xusnaa Roadmap-ka iyadoo Odayaasha dhaqanka  ay ku guda jiraan sidii loo soo gudbin lahaa ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay ka soo qaybgalayaasha shirka in ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guulaysteen in ay xoog ku soo furtaan saaka waabarigii la haystayaal laga soo afduubtay usbuucii la soo dhaafay  xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo u shaqaynayey Norwegian Refugee Council , sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas waxaa uu cambaareeey kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab qaraxyadii shalay ay ka gaysteen Kaniisad ku taalla magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Shirkaan oo ah kii ugu dambeeyay oo ay soo qaban qaabiso kooxda xariirka caalamiga (International Contact Group) xiliga KMG ah  ayaa socon doona muddo labo cisho ah, waxaana looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin:

1.     Dhameystirka xilliga kala guurka ah

2.     Sidii loo wajihii lahaa wixii ka danbeeya kala guurka

3.     In dabagal lagu sameeyo go’aannadii ka soo baxay shirkii Istanbuul iyo London

4.     Arrimaha ku saabsan amniga iyo cadaaladda

5.     Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa kooxda xiriirka caalamiga ah

6.      Sidii loo taageeri lahaa AMISOM & ciidamada nabadgelyadda Soomaaliya.