3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Farmaajo oo dadweynaha xaafada Eastleigh meel fagaare ah khudbad uga jeediyay (SAWIRRO)
faraamjo7.jpg

Isniin, July 02, 2012 (HOL) - Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

Dadweynahan oo isugu soo baxay dabaal dagyada 1-da Luuliyo ayaa sitay calanka Soomaaliya, iyagoo qaarkoodna ay ku soo xardheen midabka calanka wajiyadooda iyo qaybaha kale ee jirkooda.

Maxamed C/laahi Farmaajo oo ah xoghaya guud ee xisbiga TAYO ayaa ugu hambalyeeyay Soomaalida munaasabada 1-da Luuliyo oo ah markii ay Soomaaliya xorriyadeeda qaadatay.

Farmaajo ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay qaataan door lamid ah kii  SYL ay ka ciyaartay xorriyad u dirirkii dalka.

farmaajo2.jpg

Waxaa uu uga digay Soomaalida kala qaybsanaanta, isagoo sheegay in awoodeenu ay ku jirto midnamadeena.

Dadweynahan oo isugu soo baxay barxad weyn oo ku taalla xaafadda islii ee ay Soomaalida ugu badan kaga nooshahay caasimadda Nairobi ayaa waxaa kasoo qeyb galay siyaasiyiin, ganacsato, odayaal, dhalinyaro iyo haween, waxaana soo qaban qaabiyay dhalinyarada fanaaniinta Waayaha cusub.

Dadweynaha halkaas isugu yimid ayaa lagu qiyaasay kuwii ugu badnaa ee hal mar isugu yimaada hal goob ah xaafada Islii oo inta badan ay ku yaryihiin isu soo baxyada noocaan ah.

farmaajo.jpg
farmaajo6.jpg
farmaajo3.jpg
farmaajo4.jpg
farmaajo5.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya












Click here
7/2/2012 6:52 PM EST
Talaado, July 03, 2012(HOL): Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay DAL MASIIBO DABBAASHAY DAREEN HOY U AHAADAY ayaa lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

7/2/2012 5:51 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Munaasibad lagu xusayay 1-da July oo ah maalintii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, isla markaasina ay israaceen gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu u badan tahay wadanka Mareykanka.

7/2/2012 1:57 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( International Contact Group ICG ), waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamullada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameec. Shirkani waxaa uu furmay 2-dii duhurnimo waxaana uu socon doonaa mudo laba cisho ah.

7/2/2012 8:59 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Danjirihii Mareykanka ee dalka Itoobiya, David Shinn ahna siyaasi ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa soo dhaweeyay wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay kuwo meesha ka saari kara khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay.

7/2/2012 8:17 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Xaafadda gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay maydadka laba haween ah oo la dilay, kuwaasoo la sheegay inay wateen ukun fara badan.

7/2/2012 8:13 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Dowladda KMG, maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 17-qof ayna ku dhaawacmeen 50-qof iyo afduubyada shaqaalaha gargaarka.

7/2/2012 7:41 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Siminnaarkan oo ay ka qaybagleen 150 haween ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliya UYS iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay ku jireen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda DKMG ah.

7/2/2012 7:25 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu taageerayay murashaxnimada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas isla markaana lagu taageerayay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii halka sano ahayd ee ay shaqeynaysay.

7/2/2012 5:03 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha u tagaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka qaybgalayay xaflad loo qabtay xuska 1-da Luuliyo ayaa sheegay in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka weyn yihiin olole loo isticmaalo doorasho.

7/2/2012 4:37 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garansanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

7/2/2012 4:09 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadlay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay Isniinta maanta ah in howgal ay si wadajir ah xalay u sameeyeen kusoo furteen afar ruux ajnabi ah kuwaasoo saddex maalmood ka hor laga afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

7/2/2012 2:49 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Shirkii shanaad ee guddida haga arrimaha duulista Soomaaliya (Steering Committee) ayaa lagu qabtay magaalada Montreal ee xaruunta hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO (International Civil Aviation Organization) 28-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun.