3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Maydadka Haween la dilay oo DKMG ay dilkooda ku eedeysay Al-shabaab oo maanta laga helay Degmada Dayniile
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Xaafadda gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay maydadka laba haween ah oo la dilay, kuwaasoo la sheegay inay wateen ukun fara badan.

Haweenkan ayaa la sheegay in middiiba laga toogtay madaxa iyo laabta, iyadoo aan la ogeyn cidda rasmi ahaan dilkooda geysatay, balse guddoomiyaha degmada Dayniile ee DKMG ah ayaa sheegay in dilkaas geysteen xubno Al-shabaab ka tirsan.

"Labadan haweenka ah waxaa la dilay xalay, waxaana dilkooda geystay lix ruux oo ka tirsan Al-shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dayniile oo saxaafadda la hadlay, isagoo aan sheegin halka uu xogtan ka helay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'ul ka tahay dilka haweenkan, iyadoo haweenkan ay rasaasi kaga taallay qaybta sare ee jirkooda, lamana oga sababta rasmiga ah ee loo dilay iyo halka ay ka yimaadeen.

Dhanka kale, dagaal aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa xalay ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan agagaarka KM-13, halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in dagaalka uu ahaa mid laba geesood ah ayna soo qaadeen xoogag taageersan Al-shabaab, inkastoo dowladda KMG ah aysan ka hadlin dagaalkaas iyo khasaaraha uu geystay.

Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysanayo shaqaalaha dowladda iyo dadka shacabka ah, dagaallo iyo weliba qaraxyo khasaare geysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
7/2/2012 6:52 PM EST
Talaado, July 03, 2012(HOL): Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay DAL MASIIBO DABBAASHAY DAREEN HOY U AHAADAY ayaa lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.

7/2/2012 5:51 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Munaasibad lagu xusayay 1-da July oo ah maalintii ay Soomaaliya xornimada qaadatay, isla markaasina ay israaceen gobolada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalidu u badan tahay wadanka Mareykanka.

7/2/2012 1:57 PM EST
Isniin, July 02, 2012(HOL): Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arrimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah ee Soomaaliya ( International Contact Group ICG ), waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMG ah ee Soomaaliya maamullada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameec. Shirkani waxaa uu furmay 2-dii duhurnimo waxaana uu socon doonaa mudo laba cisho ah.

7/2/2012 8:59 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Danjirihii Mareykanka ee dalka Itoobiya, David Shinn ahna siyaasi ka faallooda arrimaha siyaasadda geeska Afrika ayaa soo dhaweeyay wadahadallada u billowday Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ku tilmaamay kuwo meesha ka saari kara khilaafkii labada dhinac u dhexeeyay.

7/2/2012 8:53 AM EST
Isagoo dhawaananba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu kumannaan dadweyne ah kula hadlay xaafada Easleigh ee Soomaalidu ka dagantahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya .

7/2/2012 8:13 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Dowladda KMG, maamulka Puntland iyo Mareykanka ayaa si isku mid ah u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay magaalada Gaarisa oo ay ku dhinteen 17-qof ayna ku dhaawacmeen 50-qof iyo afduubyada shaqaalaha gargaarka.

7/2/2012 7:41 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Siminnaarkan oo ay ka qaybagleen 150 haween ah ayaa waxaa soo qaban-qaabisay hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliya UYS iyadoo xubnaha ka qaybgalay ay ku jireen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda DKMG ah.

7/2/2012 7:25 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa waxaa lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu taageerayay murashaxnimada ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas isla markaana lagu taageerayay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii halka sano ahayd ee ay shaqeynaysay.

7/2/2012 5:03 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha u tagaan xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo shalay ka qaybgalayay xaflad loo qabtay xuska 1-da Luuliyo ayaa sheegay in wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka weyn yihiin olole loo isticmaalo doorasho.

7/2/2012 4:37 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garansanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

7/2/2012 4:09 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Saraakiil u hadlay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaliya ayaa sheegay Isniinta maanta ah in howgal ay si wadajir ah xalay u sameeyeen kusoo furteen afar ruux ajnabi ah kuwaasoo saddex maalmood ka hor laga afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab-Kenya.

7/2/2012 2:49 AM EST
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Shirkii shanaad ee guddida haga arrimaha duulista Soomaaliya (Steering Committee) ayaa lagu qabtay magaalada Montreal ee xaruunta hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulista hawada ee ICAO (International Civil Aviation Organization) 28-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun.